Abiy Axmed oo Muuse Biixi ku casuumey Addis Ababa [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar ugu ambo baxay magaalada Addis Ababa, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo marti-qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha Ethiopia, ayuu safarkoodu qaadan doonaa muddo maalmo ah, waxaana inta ay halkaas joogaan kulamo gaar ah oo shaqo la qaadan doonaan madaxda kala duwan ee dalka Ethiopia iyo kuwo kaleba.

Waa safarkii 2aad oo Muuse Biixi ku tago Addis Ababa tan iyo 2020, waxaana xusid mudan in markii uu Abiy Axmed xafiiska la wareegay 2018 uu joojiyay xiriirkii toos ahaa ee Itoobiya la sameyn jirtay Maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya.

Lama oga ujeedada casuumaada uu Abiy Axmed u fidiyay Muuse Biixi, laakiin waxay kusoo aadaysaa xili dagaal uu ka socdo dalka Itoobiya, waxaana Mas'uuliyiin katirsan xukuumadda Addis Ababa boqodeen dhawaan Hargeysa.

Somaliland ayaa heshiis kula jirta DP World oo la wareegtay Dekadda Berbera, kaasoo Itoobiya saami dhan 19%, maadaama shacabkeeda ay yihiin kuwa wax kala doo degaya Dekadda.

Farmaajo aaya xiriir dhaw la leh Abiy Axmed, oo hadda xaalad dagaal ku jira, iyadoo labada hogaamiye ay qeyb ka yihiin heshiiska iskaashiga amniga Geeska Afrika oo Asmara lagula galeen Afwerki.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM