Afhayeenkii Golaha Wakiillada Somaliland oo shaqada ka tagay

Image
Talaabadan ayaa waxay imaanaysaa xilli dhowaan golahan uu shaaciyey in uu xubinimadii kala noqdey Cabdirisaaq Khaliif.

HARGEYSA, Somaliland - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Cabdirisaaq Khaliif uu iska casilay xilkii Afhayeenka Golaha Wakiillada Somaliland. Khaliif ayaa la sheegay in uu shaqo ka tagidiisa uu kaga dhawaaqay xarunta dawladda hoose ee Laascaanood.

Talaabadan ayaa waxay imaanaysaa xilli dhowaan golahan uu shaaciyey in uu xubinimadii kala noqdey Khaliif oo si cad u taageeray qadiyadda SSC kana hor-yimid damaca maamulka Hargeysa ee ku wajahan xarunta gobolka Sool.

Colaadda Laasacaanood ayaa socotay tan horraantii February, waxaana ku dhintay boqolaal qof. Qaramada Midoobay waxay tiradda dhimashada ku sheegtey in ay ka badan tahay 300 ruux oo u badan dad rayid ah.

Safiirka xilka ka sii tegaya ee dalka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André, ayaa sheegay in shakhsiyaadka ku lugta leh hurinta colaadda Laasacaanood ay ka qaadi doonaan tallaabo.

André oo waraysi siiyay laanta af Soomaaliga ee BBC ayaa tibaaxay in Maraykanka ay miiska u saaran tahay cunaqabateyn ka dhan ah shakhsiyaadkaas oo aanu magacaabin.

"Anaga iyo saaxiibadda kale ee caalamiga ah waxaan war saxaafadeed ka soo saarnay xaaladda Laasacanood durbadiiba markii uu bilowday dagaalka. Waxaan ku baaqnay in colaadda la joojiyo, miiska wadahadalka lagu xalliyo khilaafka iyo in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo dadka ku barakacay dagaalka. Waxaan si toos ah ula hadlay hogaamiyayaasha Hargeysa, Laasacaanood iyo Garowe," ayuu yiri.

Laascaanood ayaa xudun u ah muran dhuleedka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland oo ay qeyb ka yihiin Sool, Sanaag iyo Ceyn. Dagaalo qaraar oo horey u dhexmaray labada dhinac waxay galaafteen nolosha dad badan iyo barakaca kumanaan kale oo rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM