Baarlamaanada Imaaraadka iyo Somaliland oo is-kaashanaya

Image
Iskaashigan ayaa lagu waramay in uu daaran yahay dhanka aqoonta iyo waayo aragnimada shaqada.

HARGEYSA, Somaliland - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo uu weheliyo guddoomiye ku xigeenka koowaad, Siciid Mire Faarax (Giirre) ayaa qaabilay wakiilka Imaaraadka Carabta ee Somaliland, Abdulla Al-Naqdi.

Sida uu baahiyey telefishinka ku hadla afka maamulkan caasimadiisu tahay Hargeysa, wadahadaladda ayaa daaranaa is-barasho iyo is-xog-wareysi ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay.

Dhinacyadda ayaa, sida ku xusan warbixinta, waxay isku-afgarteen "in ay baarlamaannada Imaaraadka iyo Somaliland iska kaashadaan dhanka aqoonta iyo waayo aragnimada shaqada, islamarkaana ay weftiyo labada dhinac ah is waydaarsadaan".

Mudadii shirku socday, guddoomiye Cabdirisaaq ayaa laga soo xigtey in uu wakiilka la wadaagay dhambaal ku saabsan sida maamulkiisa uga mahad-celinayo maalgashiga dowladiisu ku sameyso Somaliland.

Imaaraadka oo kamid ah dowladaha caalamka ee gacansaarka dhow la leh ayaa maanta balaarinaya dekada Berbera taasoo horey ay uga hor-timid dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Al-Naqdi oo ay soo xigatay warbaahinta maxaliga ah ee Somaliland ayaa qudhiisa wuxuu hoosta ka xariiqay sida Somaliland muhiim ugu tahay danaha dowladiisa ee Geeska Afrika.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale. Hase ahaatee, dunida waxay u aqoonsan tahay maamul hoostaga xukuumada Muqdisho halkaas oo loosoo mariyo taageerada iyo mashaariicda qaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM