Baarlamaanka Somaliland oo laalay xubinimadii C/risaaq Khaliif

Image
Talaabadan ayaa waxay u muuqataa in ay daba socoto mowqifka uu ka qaatay xaalada Laascaanood.

HARGEYSA, Somaliland - Baarlamaanka Somaliland ayaa Talaadada maanta ah waxa uu sheegey inuu laalayo xubinimadii Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif, sidda ku xusan qoraal uu arkay warsidaha Garowe Online.

Talaabadan ayaa salka ku haysa eedeymo loo jeediyey ay kamid yihiin inuu ka soo horjeestey Jiritaanka Somaliland oo ah maamul gooni-isu-taag ah balse aan helin aqoonsi caalami ah.

Go'aankan ayaa, sidda ay sheegeen dad si dhow ula socda xaalada, waxa uu daba socdaa taageeradda uu Cabdirisaaq u muujiyey go’aankii SSC-Khaatumo ee maqaamka Laascaanood.

Tan iyo markii uu taageeray go’aamadii odayaasha ku shiray Laascaanood, guddoomiye Khaliif kama hadlin mowqifkiisa ku aadan ka sii mid ahaanshaha baarlamaanka maamulka Somaliland.

Colaadda Laasacaanood ayaa socotay tan horraantii February, waxaana ku dhintay boqolaal qof. Qaramada Midoobay waxay tiradda dhimashada ku sheegtey in ay ka badan tahay 300 ruux oo u badan dad rayid ah.

Safiirka xilka ka sii tegaya ee dalka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André, ayaa sheegay in shakhsiyaadka ku lugta leh hurinta colaadda Laasacaanood ay ka qaadi doonaan tallaabo.

André oo waraysi siiyay laanta af Soomaaliga ee BBC ayaa tibaaxay in Maraykanka ay miiska u saaran tahay cunaqabateyn ka dhan ah shakhsiyaadkaas oo aanu magacaabin.

"Anaga iyo saaxiibadda kale ee caalamiga ah waxaan war saxaafadeed ka soo saarnay xaaladda Laasacanood durbadiiba markii uu bilowday dagaalka. Waxaan ku baaqnay in colaadda la joojiyo, miiska wadahadalka lagu xalliyo khilaafka iyo in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo dadka ku barakacay dagaalka. Waxaan si toos ah ula hadlay hogaamiyayaasha Hargeysa, Laasacaanood iyo Garowe," ayuu yiri.

Laascaanood ayaa xudun u ah muran dhuleedka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland oo ay qeyb ka yihiin Sool, Sanaag iyo Ceyn. Dagaalo qaraar oo horey u dhexmaray labada dhinac waxay galaafteen nolosha dad badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM