​Bannaanbax ka dhacay magaalada Berbera

Image

BERBERA, Somaliland- Mudaharaad looga soo horjeedo xukun dil ah oo dhawaan maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Somaliland ku  fuliyey 8qof oo loogu ee deeyey iney ka danbeyeen qur-gooyadii taliyihii ciidanka booliska ee goblka Saaxil ayaa ka dhaceyday magaalada Barbara.

Mudaharaadayaasha ayaa ka cabanayey qaabka maxkamaddu u cadlisay kiiska raggaas, iyagoo bartamaha magalada  ku gubay taayiro islamarkaana xiray wadooyin muhiim u ahaa isu socodka bulshada.

Ma jiraan dhimasha iyo dhaaawac ka dhashay rabshado ay sameeyeen dadka isku soo baxey.

Dhinaca kale waxaa shaley magaaalda Shiikh ee isla gobolkaasi ka dhacay cabashooyin looga soo horjeeday xukunka Siddeedaasi qof.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Maxamuud Siilaanyo ayaa safar ku tagey magaalada Berbara, iyadoo aysan jirin faah faahin rasmi ah oo ku saabsan ujeedka socdaalkiisa.

Siilaanyo kama uusan hadlin xaalada ka tagan gobolka sidoo kalena lama oga inuu kulamo laqaatey waxgaradka iyo odayaasha gobolka degmadaasi.

Sannadkii u dambeeyey waxaa laga dareemey Berbera iyo guud ahaan gobolka is fahan waa u dhaxeeya dadka deegaanka iyo xakuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM