Barlamanka Somaliland oo ka doodaya heshiiska dekada Berbera

Image

HARGEYSA-Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay heshiiska ay dhawaan wada galeen xukuumada Somaliland iyo shirkada DP World ee ku saabsanaa maal galinta dekeda Berbera.

Heshiiskan oo ku kacaya in ka badan afar boqol oo million oo dollar, ayaa waxaa dhowaan baarlamanka u gudbiyey madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. 

Mudanaayaal door ah oo fadhigan saaka ku sugnaa ayaa ka dood kulul yeeshay heshiiska oo qaarkood ku taageersanaayeen heshiiskaasi halka kuwo kalena ay ka soo hor jeedeen. 

VOA

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM