Beesha Caalamka oo laba qodob hor-dhigtey Muuse Biixi Cabdi

Image
War-saxaafadeedkan ayaa ka dambeeyay ka gadaal markii diblumaasiyiinta dalalkan ay la kulmeen hogaamiyaha Somaliland.

HARGEYSA, Somaliland - War-saxaafadeed ay maanta soo saareen 15 dal oo kamid ah saaxiibadda caalamiga ah ayaa ugu dhambaal culus u diray hogaamiyaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Bayaanka ayaa waxa uu soo jeediyay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka si shuruud la’aan ah, lana kala qaado ciidamada lagu kala qaado goobaha lagu heshiiyey ee colaadda magaaladda Laascaanood.

Daneeyeyaasha oo walaac  ka muujiyay rabshadaha iyo iska horimaadyada Laascaanood oo galay todobaadkii tobnaad ayaa rajo ka muujiyay in dhinacyadda dagaalamaya ay fursad siiyaan bad-qabka dadka.

"Dhinacyada ugu waaweyn ee dirirtu dhexmartay ayaa marar badan si cad u ballan qaaday xabbad-joojin iyo wada-hadal, balse weli ma aysan fulin ballan-qaadyadaas," ayay xuseen daneeyeyaasha.

Diblumaasiyiinta ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in dadka nugul ay helaan gurmad bini'aadanimo. Dhinacyada ay colaaddu ka dhaxeyso ayaa lagu waaniyey in ay hortabin siiyaan qaddiyadan.

"Beesha Caalamka waxay soo dhaweeyeen dadaallada iyo hindisaha ay wadaan hawl-wadeennada maxalliga ah iyo kuwa gobolkuba si loo xaqiijiyo xabbad-joojin iyo fududaynta wadahadal," ayay caddeeyeen.

Dhinaca kale, saaxiibadda caalamka ayaa sidoo kale waxay carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in horumar degdeg ah loosoo saaro jadwalka doorashooyinka Somaliland.

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayay ku tartarsiiyeen inuu soo saaro khariidad doorashadda taasoo ay ku cadahay waqtiga ay dhaceyso iyo guddiga farsamo ee ka shaqeynaya qabsoomida coddeynta.

"Talaabadan waa mid laga maarmaan ah si loo xaqiijiyo in doorashadu u dhacdo sida ugu dhakhsaha badan," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalkan uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online.

Dalalka qoraalka soo saarey ayaa ah Belgium, Canada, Denmark, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, United Kingdom, iyo United States of America.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM