Biixi: Cadow kusoo maqan Somaliland baa dilay taliye Cabdiqani Guhaad

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka falceliyey dilkii xalay magaaladda Laascaanood loogu geystay taliyihii nabad-sugida iyo sirdoonka gobolka Sool.

Biixi oo tacsi u diray ehelada, qaraabada iyo asxaabta marxuumka ayaa u rajeeyay in uu ALLE siiyo naxariista Janatul Firdowsa.

Isagoo hadalkiisa sii wata, raggii ka dambeeyay toogashaas ayuu ku qeexay "cadow kusoo maqan" Somaliland, wuxuu hoosta ka xariiqay in fariinta ay u dirayaan ay tahay "in ay diyaar u yihiin".

Laamaha ammaanka ayuu faray in ay cadaalada horkeenaan shaqsigii ka geystay khaarijinta Cabdiqani Guhaad Xasan, oo illaa iyo haatan aysan jirin koox dusha saaratay mas'uuliyada.

Cabdiqani, oo muddo badan hayey xilkaas, ayaa lagu beegsaday agagaarka hoygiisa kadib markii uu kasoo laabtey Masjidka, fiidnimadii xalay.

Dhinaca kale, hogaamiyaha maamulka gooni u goosadka ah ayaa soo hadal-qaadey qaraxii 3-dii bishaan Maaj lagu dilay guddoomiyihii Maxkamada gobolka Sool, Xasan Sheekh Maxamuud.

Isagoo qoyskiisa iyo asxaabtiisa u diray tacsi tiiraanyo leh, Biixi ayaa si lamid ah hay'addaha nabad-gelyadda ku tartarsiiyey in ay gacanta kusoo dhigaan gacan-ku-dhiigleyaashii ka dambeeyay.

Toogashada taliye Guhaad ayaa lala xiriiriyey baariska kiiska marxuum Xasan oo la tilmaamay in maalmihii lasoo dhaafay uu gacanta ku hayey isla markaana ay gal-dacwadeedka uu la galay "meelo waaweyn".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM