Biixi: Hadalka Xasan Sheekh wuxuu kordhinayaa cadaawadda

Image
Hogaamiyaha maamulka Somaliland ayaa si adag ugu jawaabay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

HARGEYSA, Somaliland - Hogaamiyaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga jawaabay dhawaqa kasoo yeeray madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Muuse Biixi Cabdi.

Biixi oo odayaal kula hadlay magaaladda Burco ayaa dhawaqa kasoo yeeray Xasan Sheekh wuxuu ku tilmaamay "mid sii kordhinaya cadaawadda" balse "aanan keenayn wax xal ah".

"Waxaa ka wanaagsaneyn halkii aad ka tiri ma aqbalayno gooni-isu-taagga Somaliland iyo nama kala qeybin karaan xuduudihii Ingiriiska iyo Talyaaniga ma noqonaa laba dowladood oo deris ah," ayuu raaciyey.

Isaga oo ka jawaabaya hadalkii Xasan Sheekh ee ahaa in dowladda federaalka aysan "u adeegsan doonin murqaheeda" cadaadinta Somaliland, Biixi ayaa xusuusiyey Xasan Sheekh "dhibaatooyinka ka jira koonfurta".

"Haddaad muruq siyaasadeed leedahay oo aad xor tahay maxay kuu ilaaliyaan nimanka Afrikaanka ahi," ayuu yiri. "Waxan la yaabbanahay inaad faanto oo aad tidhaahdo Somaliland muruqayga ku isticmaali maayo, Al-Shabaabna ay daarahaaga cashuur ka qaaddo".

Madaxwayne Xasan Sheekh oo la hadlaayay Soomaalida Mareykanka ayaa cod dheer ku sheegay "in aysan marnaba dowladiisu ogolaan doonin wax kasta oo dhiiragelinaya ama horumarinaya gooni-isu-taagga Somaliland.

Somaliland ayaa sheegata in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale tan iyo sanadkii 1991-dii hase ahaatee wuxuu caalamka u aqoonsan yahay maamul goboleed si toos ah u hoostaga xukuumada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM