Biixi: Hadalka Xasan Sheekh wuxuu kordhinayaa cadaawadda

Image
Hogaamiyaha maamulka Somaliland ayaa si adag ugu jawaabay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

HARGEYSA, Somaliland - Hogaamiyaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga jawaabay dhawaqa kasoo yeeray madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Muuse Biixi Cabdi.

Biixi oo odayaal kula hadlay magaaladda Burco ayaa dhawaqa kasoo yeeray Xasan Sheekh wuxuu ku tilmaamay "mid sii kordhinaya cadaawadda" balse "aanan keenayn wax xal ah".

"Waxaa ka wanaagsaneyn halkii aad ka tiri ma aqbalayno gooni-isu-taagga Somaliland iyo nama kala qeybin karaan xuduudihii Ingiriiska iyo Talyaaniga ma noqonaa laba dowladood oo deris ah," ayuu raaciyey.

Isaga oo ka jawaabaya hadalkii Xasan Sheekh ee ahaa in dowladda federaalka aysan "u adeegsan doonin murqaheeda" cadaadinta Somaliland, Biixi ayaa xusuusiyey Xasan Sheekh "dhibaatooyinka ka jira koonfurta".

"Haddaad muruq siyaasadeed leedahay oo aad xor tahay maxay kuu ilaaliyaan nimanka Afrikaanka ahi," ayuu yiri. "Waxan la yaabbanahay inaad faanto oo aad tidhaahdo Somaliland muruqayga ku isticmaali maayo, Al-Shabaabna ay daarahaaga cashuur ka qaaddo".

Madaxwayne Xasan Sheekh oo la hadlaayay Soomaalida Mareykanka ayaa cod dheer ku sheegay "in aysan marnaba dowladiisu ogolaan doonin wax kasta oo dhiiragelinaya ama horumarinaya gooni-isu-taagga Somaliland.

Somaliland ayaa sheegata in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale tan iyo sanadkii 1991-dii hase ahaatee wuxuu caalamka u aqoonsan yahay maamul goboleed si toos ah u hoostaga xukuumada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM