Biixi: Lacag dowladda Muqdisho bay wax tari lahayd

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Axada maanta ah wuxuu dhaleeceeyay qaabka Beesha Caalamka taakulada u siiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya

Biixi oo qabtay shir jaraa'id oo uu kaga hadlayo doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka oo berri ka bilaabanaya Somaliland ayaa rumeysan in hogaanka Soomaalid u baahan yahay isku-tashi.

"Hay'addaha waxa la yiraahdo waxay noo keeneen in ay maskaxda naga duleystaan, in aan isku kalsoonaan weyno, in nala kala wareysto, waa waxyaabaha Afrika in badan oo badan qaribay. Haddii deeq ay wax tareyso, haddey lacag wax tareyso, haddey ciidamo ajnabi wax tarayaan dowladdaa Muqdisho ka dhisan bay wax tari lahaayeen 30-sano ayaa lagu kala dhex-jiraa, waxaan qabaa haddii kaligood go'aan gaari lahaayeen in ay heer gaari lahaayeen," ayuu ka yiri shir jaraa'id.

Somaliland ayaa 1991-dii waxay ku dhawaaqdey in ay ka go'dey Soomaaliya inteeda kale. Hase ahaatee, waxay ku guuldareysteen in ay tan iyo waqtigaas helaan aqoonsi kaga yimaada Beesha Caalamka.

Dhanka kale, Biixi ayaa dadweynaha Somaliland wuxuu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii doorashooyinka berri bilaabanaya u noqon lahaayeen kuwa kusoo dhamaada si nabad ah.

"Doorashada waxaynu ka doonaynaa in Somaliland taladeedu mid noqoto oo gobol kasta iyo cid kasta oo deggen iyo qof kasta oo Somaliland ah ka u bariyeeya iyo ka u galbeedeeya waxanu doonaynaa inay talo midaysan, iyo ujeeddo midaysan oo qaran iyo horumar midaysan iyo wax wada qabsi midaysan yeeshaan, waxana ay ku yeelanayaan in Dawlaha Hoose ee magaalo maamulaya dadku wada doorto oo haddii ay wax qalloociyaan la wada qaban karo," ayuu xusay.

Wuxuu ku daray: "Waxa kale oo soo kordhaya talo-wadaag, waayo golihii wakiilladu markuu hadlayo wuxuu ka hadlayaa baahida taalla halka ugu Bariyeysa, halka ugu Galbeedaysa, halka ugu koonfuraysa iyo halka ugu waqooyigyeysa".

"Dhallinyarada Somaliland waxan leeyahay sidii quruxda badnayd ee aad Ololaha u gasheen, uga hawlgala doorashada, waayeelkiinna caawiya, ka buka caawiya, askarta la shaqeeya oo muujiya qarannimadii aad muujiseen," ayuu tibaaxay.

Musue ayaa kusoo xiray hadalkiisa: "Waxa hubaal ah in markaynu doorashadaas nabadgelyo ah ku dhammayno ee aynaan eegin qalad yar oo dhacay, waxa hubaal ah in qof kasta oo adduunka kamid ahi uu halkeenna inoogu iman doono, qof kastaana marka uu is sharfo ee uu qiimo isu yeello ayaa la ina qiimaynayaa, la inagu qiimayn maayo baryo, la inagu qiimayn maayo waannu is haynaaye kaalaya na kala qabta’e waxa la inagu qiimaynaa shaqsinimadeenna".

Doorashooyinka baarlamaanka iyo dowladaha hoose ee Somaliland oo lixdii sano ee lasoo dhaafay lix jeer dib ugu dhacay sababo ku aadan khilaaf siyaasi ah ayaa tijaabo adag u ah joogitaanka Biixi oo mucaarad wajahaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM