"Muuse Biixi markii uu arkay mawjaddii shacabka ayuu is baddalay"

Image

HARGEYSA, Somaliland – Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa gaashaanka u daruuray diidmada Muuse Biixi ee safarka madaxweynaha Soomaaliya.

Faysal oo u waramay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa daboolka ka qaadey in Biixi uu bedelay mowqifkiisa markii shacabka Somaliland ay kasoo horjeesteen socdaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Macluumaadyo kale oo uu ka dhawaajiyey in uu ka hayo arrintaas ayuu tibaaxay in uu "sidda ugu dhaqsiyaha" daaha ka rogi doono.

"Waxay ku heshiiyeen in uu marka hore bixiyo raaligelin, waxaani waa wax ay ku soo heshiiyeen markuu arkay mawjaddii shacabka Somaliland ayuu is baddalay, arrintani [safarka Farmaajo] waa arrin jirta, warar kalana waan hayaa iyo waxaa ku kallifaya, Insha Allah, markaan Hargeysa tago ayaan ka warami doonaa," ayuu ku adkeystay Faysal.

Gudoomye Faysal ayaa lagu waddo in uu todobaadkan dib ugu laabto Hargeysa ayaa mar sii horeysay ka dhawaajiyey in ay qaban-qaabin doonaa shirar "lagula xisaabtamo Muuse Biixi Cabdi".

Isagoo khudbad-sanadeed u jeediyey baarlamaanka, Biixi ayaa sheegay in aysan marnaba raalli ka ahayn in Farmaajo yimaado Hargeysa, talaabadaas ayuu ku qeexay "wax aanan marnaba la aqbali karin".

Hase ahaatee, hogaamiyaha maamulka gooni u goosadka ah ayaa soo dhaweeyay raaligelintii Farmaajo, inkastoo uu qaadacay baaqa ku wajahan in jabhadda SNM ay cudurdaarka kusoo biirto.

Hadalheynta ku aadan in Farmaajo tagayo Hargeysa waxay soo if-baxday markii uu Muuse Biixi kula kulmay xafiiska ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, 11-kii bishaan Febraayo, 2020-ka.

Is-araggaas ayaa wuxuu ahaa shirkii ugu horeeyay oo ay labadooda yeeshaan. Dhankeeda, Itoobiya waxay u noqotay markii ugu horeysay oo ay martigeliso madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland.

MUUQAALKA BIIXI

<iframe width="560" height="315" src="https://www.youtube.com/embed/EhIhzjF9mxs" frameborder="0" allow="accelerometer; autoplay; encrypted-media; gyroscope; picture-in-picture" allowfullscreen></iframe>

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM