Biixi oo diblumaasiyiin u caddeeyay aragtiisa colaadda Laascaanood

Image
Madaxwaynaha maamulka Somaliland ayaa danjireyaasha reer galbeedka kula kulmay qaab fogaan arag ah.

HARGEYSA, Somaliland -  Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan fogaan arag ah waxa uu la qaatay safiirrada, safiirrada ku-xigeennada, iyo dublamaasiyiinta dalalka Yurub u badan.

Safiirada kulanka xaadiray ayaa ka kala socdey Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Holland, Norway, Sweden, Turkiga, Boqortooyada Ingiriiska, United States of America, iyo sidoo kale wakiil ka socda Midowga Yurub.

Kulankan ayaa u jeedkiisu ahaa sidii looga arrinsan lahaa colaadda ka taagan magaalada Laascaanood, isla markaana looga wadahadli lahaa doorashada Somaliland ee fadhiidka noqotey.

Biixi ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo lagu doonayo in lagu xalliyo xiisadda, kaddib markii "ciidamada Somaliland ay toogteen tobanaan qof oo dibadbaxayaal ah oo aan hubaysnayn".

“Xukuumaddu waxay magaalada Laascaanood u dirtay wefti wasiirro ah si ay wax uga qabtaan arrimaha socda, isla markaana ay wada hadal la furaan madax-dhaqameedka, hase yeeshee, madax-dhaqameedka ayaa ku gacan-sayray dedaalladaas," ayuu ku doodey.

Xiisada ka taagan Laascaanood ayaa sababtey dhimashadda in ka badan 200 ruux, dhaawaca boqolaal kale iyo barakaca ku dhowaad 80,000 qof, sidda ay sheegeen hay'adaha gargaarka.

Dagaalo culus ayaa ka socday deegaanka tan iyo markii SSC ay ku dhawaaqday inaysan aqoonsan doonin Maamulka Somaliland 5-tii February, kadib markii uu socday muddo sagaal maalmood ah "shirka aayo ka talinta".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM