Biixi oo fariin u diray Midowga Musharaxiinta iyo Farmaajo

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay doorashadda wakiilada maamulkaas gooni u goosadka ah ku metela baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Biixi oo Isniinta maanta ah ka hadlay magaalada Hargeysa ayaa "meel-ka-dhac" ku tilmaamay in dowladda federaalka, maamuladda iyo musharaxiinta ay u ololeeyaan xulista Xildhibaanada gobola waqooyi.

"Midowga mucaaridka ah ee muqdisho jooga iyo madaxweynahooda iyo gobolladooda mid baan u dirayaa, haddii aynnu Soomaali nahay, derisna nahay, dadna aynu isugu xigno danteennaa is diiday oo laba dawladood inaga dhigtaye col ma nihine, mid baan meesha qabanin, markaad dhammaantiin isku raacsan tihiin Baarlamaanka Somaliland kasoo jeedaa Xamar laga dhex dooranayaa, markaad eregayaas leedihiin miisaanka uu leeyahay iyo meel-ka-dhaca uu leeyahay waad garanaysaane maxaad Somaliland ugu quudhaysaan," ayuu yiri.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Biixi ayaa talaabada lagu xulo Xildhibaano maamulkiisa ku metela baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ku sifeeyay "faragelin siyaasadeed oo lagu sameynayo arrimahooda gudaha".

"Halkanba Jaaliyad reer Soomaaliya ahi way joogtaa, laakiin arrimaha siyaasadda Somaliland masoo galaan, sababta aad qaranka Somaliland oo aad ogtihiin inaynu soddon sano kala maqnayn, kuwa tegeyna ee shaqo-tegeyna waxa ay lamid yihiin jaaliyadda Kiiniya joogta, ta Addis Ababa joogta, ta Jabuuti joogta iyo ta London joogta, haddii ay ka shaqaysanayaanna dalkooda uun bay usoo shaqaysanayaan, kuwaada ugu waaweyn ee ugu shaqada badanina, iyaga oo halkaas (Muqdisho) jooga oo Baarlamaan iyo wasiir baannu nahay leh bay halkanna (Somaliland) daaraha kasoo dhistaan," ayuu ku daray.

Ugu dambeyntii, siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada waqooyi ee xilalka ka haya dowladda federaalka ah ayuu weerar afka ah ku qaadey.

"Waxa idinka sii liita dadka waaweyn ee Somaliland ee halkaas dani ka gashay ee u shaqo tegay waxay doonaanba ha noqdaane ee wax ku doonaya Xamar hallanaga doorto Baarlamaan baannu noqonaynaaye, arrintaasna waxan leeyahay ma geynee xumaan iyo nac uun baad sii abuuraysaan," ayuu kusoo xiray.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa madax-banaani balse caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul hoostaga Muqdisho. Wakiilada ku metela dowlada federaalka waxaa lagu doortaa magaala madaxda.

Xulista Xildhibaanada Somaliland ayaa kamid ah qadiyadaha ugu culus ee haatan khilaafka ka taagan yahay doorashooyinka Soomaaliya isla markaana dowlada iyo dhinacyada kasoo horjeeda isku mar la'yihiin.

Villa Soomaaliya ayaa ku fekereysa in ay gacan-bidaxeyso xulista kuraasta gobolada waqooyi, halka dhinacyada kasoo horjeeda ay kasoo horjeedaan qorshahaas una arka mid dan u ah madaxweyne Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM