Biixi oo is-bar-bardhigay Soomaaliya iyo Somaliland

Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Munaasad Loogu dabbaaldegayo 61-guurada kasoo wareegtay Maalintii ay gobolada waqooyi [Somaliland] ka xoroobeen Boqortooyada Ingiriiska ayaa xalay ka dhacdey Madaxtooyada maamulka Hargeysa.

Xaflada waxaa goobjoog ahaa madaxwayne Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenka, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil  (Saylici), shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, hoggaanka saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, safiirrada, Imaaraadka, Ethiopia, Taiwan iyo Jabuuti u fadhiya Somaliland, wufuud caalami ah oo ka kala socota, dalka Guinea Bissau, Kenya, Imaaraadka Carabta, Ethiopia, diblomaasiyiin iyo safirro, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, agaasimeyaal katirsan xukuumadda iyo marti-sharaf oo kale oo aad u tiro badan.

Biixi oo halkaas ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa xusay "midowgii iyo dhibkii ay Somaliland kala kulantay rabiteenkeedii ahaa shan Soomaaliyeed oo dawladnimo dhista".

"Somaliland waxay hore ugu martay ee ay nabadda u noqotay ee Koonfuri u degi weyday,  xukunkeeda, gobolladeeda, doorashadeeda iyo maamulkeedu  waxay ku fadhiyaan  26-kii June 1960-kii sharcigii ay ku deggenayd ee ay isticmaarka ka dhaxashay ee Afrika oo dhani ku fadhido ayey Somaliland ku fadhidaa," ayuu yir.

Somaliland iyo Soomaaliya ayuu is-barbardhig ku sameeyay, isaga oo ku dheeraaday "horumarka ay Somaliland ka gaartay" dhinacyo badan oo ay ku jirto Dimuqraaddiyadda iyo doorashooyinka.

"Muddadaa aynnu jirnay waxaynu ku guulaysannay, markii horena  Toddoba doorasho, saddex madaxweyne ayaa isku beddelay si nabadgelyo ah oo qof iyo cod ah, laba gole oo Baarlamaan baa isu beddelay, laba gole deegaan baa doorasho nabadgelyo ah isku beddelay, waana Ilaahay mahaddii, intaynu Toddobadaa doorasho gelaynay soddonkaas sanno, Soomaaliya, iska daa doorasho’e waxa loogu taag la’yahay kolba shir ay u qabato dawlad shisheeye oo lagu soo magacaabo dad faro-ku-tiris ahi inay madaxweyne iyo Baarlamaan doortaan," ayuu ku daray.

Dowladda Soomaaliya ayuu xusay in ay "dagaal qaawan kusoo qaaday Jamhuuriyadda Somaliland, dhinaca dhaqaalahana cunoqabatayn ka saartay, islamarkaana ay dagaal kale ka gashay horumarka Somaliland usoo kordha oo ay safka hore kaga jirto ballaadhinta dekedda Berbera".

Afartii sano ee maamulka Farmaajo xukunka joogay, xiriirka Muqdisho iyo Hargeysa ayaa gaarey heerkii ugu hoseeyay, waxaana fashil kusoo dhamaadey wadaxaajoodyo Beesha Caalamka agaasintey oo ku qabsoomay dalka Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM