Biixi oo iska fogeeyay in uu damacsanyahay mudo kororsi

Image
Madaxweynaha Somaliland ayaa beeniyay in uu yahay “keligii talis” kaddib markii Xisbiyada Mucaaradka.

HARGEYSA, Somaliland – Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha Somaliland ayaa iska fogeeyay in uu damacsan yahay muddo kororsi isla markaana uu ka meer-meerayo qabashada Doorashada ku asteysan 13ka November 2022 looga dareerayo waqooyiga Soomaaliya.

Muuse oo la hadlaayay madaxda dhaqanka degmada Ceerigaabo ee gobolka Sool ayaa sheegay in uusan lahayn awood uu dib ugu dhigo Doorashada maadaama Guddiyada qabanaya Doorashada ay u madaxbannaan yihiin shaqadooda una dhaxeeyaan musharixiinta tartanka ka dhaxeeya.

“Qolada Mucaaradka waxa ay igu yiraahdaan kursiga ayuu sii dheereysanayaa horta awooddaas ma leeyahay? Tan kale ma doonayo neynaas ah waa loo kordhiyay, markii hore har cad ayaan la tartamay haddana kuwa soo bixi doona har cad ayaa la tartamayaa” ayuu yiri Biixi oo hadalkiisa raaciyay “Sharciga Xisbiyada wuu dhan yahay oo 10kii sano mar la kordhiyo, qayladaan iyo buuqaan iyada ayaa sii daahineysa, mar weliba doorasho la daahiyo ama dib loo dhigo dhankeena kama imaaneyso, taas waaya-aragnimadeena waan leenahay, Ragga kusoo ordaayow adiga oo ka carara waynu arki doonnaa”

Madaxweynaha Somaliland ayaa iska fogeeyay in uu yahay “keligii talis” kaddib markii Xisbiyada Mucaaradka ay u adeegsadeen iyaga oo ku eedeynaya in uu ka caga-jiidayo qabashada doorashada November 2022.

“Waa digteetar! Digtaarooriyad oo ah wixii aan rag ka diiday in aan Dad kale ku sameeyo xaashaa-lillaahi igama suurowdo, Walaa Xisbiyada iyo walaalahey kama suuragasho” Sidaasi waxaa yiri Muuse Biixi Cabdi.

Sababta Xukuumadda Somailand u diiday dibadbaxa ay codsadeen Xisbiyada Mucaaradka waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku sifeeyay in laga fogaanayay isku dhacyo iyo rabshado ka dhaca deegaannada Somaliland.

“Mudaharaadka sida loo dhigayo xeer ayaa dhigaya, waxaa ugu horreeya nabadgalyada, muwaadinkasta & hantidiisa in ay nabadgasho, waraaq wargelin ayay soo qareen waxaa loogu jawaabay isku kaaya keena way ka caroodeen, Amniga xil baa naga saaran, aad ayaa u ixtiraamnaa Xisbiyada jooga & kuwa imaan doonaa” .

Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani & UCID ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku dhaliilay in uu ka meer-meerayo dardargelinta doorashada Somaliland, waxa ay daliil ka dhigteen in uu leeyahay sababta keentay in ay kala tagaan xubnaha guddiga Doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM