Biixi oo isku-shaandheyn ku sameeyay xukuumadiisa

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Axadda maanta ah wuxuu isku-shaandheyn ku sameeyay xubnaha Golaha Wasiiradda maamulka xaruntiisu tahay magaaladda Hargeysa.

Wareegto kasoo baxdey xafiiska Biixi ayaa lagu sheegay in mas'uuliyiinta xilka laga qaadey ay kala yihiin;

Hinda Jaamac Xirsi Maxamed, Wasiirkii Hore ee Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray), Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Cali Xuseen Nuur Beegsi, Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga

Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta

Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda

Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf, Agaasimihii Guud ee hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Xuseen Xaaji Xasan Guuleed, Guddoomiyihii hore ee Guddida Tacliinta Sare

Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

Maxamed Xasan Sheekh Muumin, Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Guddida Tacliinta Sare

Isla digreetadda ayaa lagu tibaaxay in mas'uuliyiinta xilalka loo dhiibay ay kala yihiin;

1. Saleebaan Warsame Guuleed, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda

2. Mustafe Godane Cali Bile, Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

3. Siciid Axmed Jibriil, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

4. Axmed Cali Maax Warsame, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga

5. Jamaal Cabdi Muuse Diiriye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta

6. Rooble Cabdi Muuse Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha

7. Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka

8. Farxiya Maxamed Cabdiraxmaan Daahir, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-geshiga

9. Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka

10. Mukhtar Maxamed Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta

11. Aamina Xuseen Maxamuud Jaamac, Agaasimaha Guud ee Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda

12. Jamaal Maxamed Jaamac Cashuur, Agaasimaha Guud ee Guddida Doorashooyinka

Isbedeladdan uu sameeyay Muuse Biixi ayaa kusoo hagaagaya xilli lagu waddo in maamulkaas gooni-u-goosadka ahi uu isku diyaarinayo doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka oo si weyn isha loogu hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM