Biixi oo ka falceliyey go'aanka DF ka qaadatay Kenya

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka falceliyey go'aanka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya xiriirka ugu goysay dhigeeda Kenya.

Go'aankaas wuxuu kusoo hagaagay xilli Nairobi ay booqasho saddex casho rasmi ah ku joogeen wafdi uu horkacayo Biixi kuwaasoo la shiray madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Isaga oo u waramay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, Biixi ayaa ku adkeystay in go'aanada xukuumadda Muqdisho ka qaadatay Kenya uusan saameyn degaanada uu ka taliyo.

"Hadii [Kenya] ay xiriirka u gooyeen waa go'aan ay gaareen qoladaa Muqdisho joogta; waxaanse u arkaa hadii ay ujeedaan Somaliland baad soo dhaweyseen oo aan kasoo qaado tii ka dhacdey Guinea waxay ila tahay dalkii aan u tagnaba ee ina soo dhaweeya xiriirka ha u gooyeen bal markaasaanu arkeynaa cidda ay isku soo haraan dowladaha caalamka," ayuu yiri.

Talaabooyinkii ugu dambeeyay Dowlada Soomaaliya ka qaadatay Kenya waxaa kamid ahaa in dadka ku safraya baasaboorka Kenya ay soo codsadan kahor inta aysan dalka iman.

Sidoo kale, waxaa go'aanada qeyb ah in diblumaasiyiinta Kenyanka ay waddanka kaga hayaamaan muddo todoba maalmood oo ka bilaabaneysa Isnintii todobaadkan.

"Somaliland kama taliyaan ayaga [madaxda dowlada federaalka Soomaalia]," ayuu Biixi kaga jawaabay su'aala xiriirta in ay degaanadooda ka dhaqan-gelayaan go'aanadan.

Biixi oo xaqiijiyey in ay Kenyatta isla soo qaadeen qadiyada gooni-u-goosashada Somaliland ayaa ka gaabsaday in uu dadweynaha la wadaago fahfaahinta sidda uga wada hadleen.

"Dhamaan arrimaha aan isku-afgaranay way dhaqan-gelayaan waxaana ka shaqeyn doona guddiyadda aan u saarnay," ayuu carabka ku dhuftey isaga oo diidaya in uu tafaasiil bixiyo.

Ugu dambeyntii, Biixi ayaa ku adkeystay in ay waqtigeeda ku dhaceyso doorashooyinka Somaliland - heer baarlamaan iyo dowladdaha hoose - xilli haatan socoto diiwaan-gelinta rayidka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM