Muuse Biixi oo "ka murugoodey" geerida aabaha Abiy Axmed

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid aabaha dhalay ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kaasi oo Isniintii ku dhintay gobolka Oromada.

Marxuum Axmed Cali oo ahaa wadaad Muslim ah isla markaana gobolkaasii caan ka ahaa ayaa la filayaa in Arbacada la aaso. [Halkan ka akhriso fahfaahinta warkan]

"Aniga si qoto dheer ayaan uga murugoonayaan geerida Axmed Cali, aabaha ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Dr Abiy Axmed," ayuu Biixi ku yiri, qoraal uu soo dhigay bartiisa shaqsiga ee Twitter-ka.

Tani ayaa kusoo aadeysa xili hogaamiyaha maamulka gooni isu taaga ah uusan wali ka hadlin askari ka tirsan booliska oo ay dhagax ku dileen rayidka degaanka Fiqi Ayuub ee gobolka Togdheer.

"Aragtideena iyo ducodeena waxay waqtigaan adag ay la jirtaa ra'iisul wasaaraha iyo shacabka Itoobiya," ayuu hadalkiisa raaciyey Muuse Biixi oo tan iyo markii la doortay hal jeer la kulmay Abiy.

Taliska Bileyska oo sharaxay qaabka loo dilay askariga oo lagu magacaabayey Keyse Maxamed Cawaale ayaa xusay in ay ka dambeeyeen maleyshiyaad dheg-xaan ku soo tuuray goob ay ciidamadu joogeen.

"Ummadda Somaliland waxay ra'iisul wasaaraha iyo qoyskiisa ay u muujinayaan tacsi tiiraanyo leh," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay mid kamid ah aas-aaseyaashii Jabhadda SMN ee la diriray Siyaad Barre.

Dilalka loo geysanayo askarta Somaliland si gaar ah kuwa sida foosha loo dilayo ayaa indhowaanahaanba aad ugu soo badanayey qaar kamid ah gobolada maamulkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM