Biixi oo ku baaqay nabad xilli ciidankiisa duulaan ku yihiin Laascaanood

Image
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in uu aqbali doonin la sameeyo in "xuduud cusub oo qabyaaladeed".

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland ayaa mar kale waxa uu ka hadlay colaadda ka taagan magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Muuse Biixi Cabdi oo la hadlayay dadwayne u dabaal-degayay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga ayaa tibaaxay in uu xukuumadiisa ay "mar walba ku baaqeyso" wallow ciidankiisa ay duulaan yihiin.

"Innagu haddii aynnu reer Somaliland nahay colaadda Laascaanood bilowgeedii illaa maanta nabad uun baynu u haynaa, maantana waxaynu Ilaahay ka baryeynaa inuu colaaddaa inaga demiyo," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Dadka kale ee colaaddaas wadana waxan leeyahay colaad walba nabad baa ka dambaysa, caqliga saliimka ahina waxa uu ku jiraa in colaadda la qabto intaanu khasaaraheedu weynaan".

Biixi ayaa ku adkeystay "in marnaba suurogal ahayn in xuduud cusub oo qabyaaladeed la sameeyo, lana baabi’iyo xuduudda caalamiga ah ee Somaliland ee la wada yaqaanno".

"Waa markii Toddobaad ama Siddeedaad ee aan ku baaqo nabad, dadkaa colaaddaas shidayana waxan leeyahay faraha kala baxa Somaliland nabadeedda way samaysan kartaaye," ayuu ku doodey.

Wuxuu ku daray: "Midina suurtogal ah oo shantii Soomaaliyeed ee isticmaarku qaybiyey ee Afrika lamidka ahaa baa xadkii Somaliland la beddelayaa oo nin Kiiniya jooga, mid Itoobiya Jooga, mid Soomaaliya jooga iyo mid Somaliland joogaa beddelayaa oo soo saaraya xad qabali ah oo cusubi ma suurtogelayso".

Hadalka Biixi ayaa waxa uu kusoo hagaagaya xilli todobaadkii hore uu la kulmay wakiiladda Beesha Caalamka ayna ku waaniyeen in uu dagaalka joojiyo iyo in uu doorashadda degdeg u qabto.

Isimadda goboladda Sool, Sanaag iyo Ceyn ee ku sugan Laascaanood ayaa xukuumadda Biixi waxay ku eedeeyeen "isku-day marin-habaabin" iyo "in ay iska-indha-tireyso waaqica dadka degaanka.

In ka badan 200 qof ayaa lagu waramay in ay ku naf-waayeen dagaaladda xarunta gobolka Sool. Qaramada Midoobay waxay caddeysay in tirro ka badan 80,000 ruux kale ay ku barakaceen colaaddan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM