Biixi oo lagu eedeeyay in uu caqabad ku yahay doorashada Somaliland

Image
Axsaabta Mucaaradka Somaliland - Waddani & UCID - ayaa Madaxweyne Muuse ku cadaadinayaa in ay qabato Doorasho.

HARGEYSA, Somaliland – Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah Wadani ayaa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in ay hortaagan tahay Odoyaasha ku baxay in ay waan-waan ka dhex sameeyaan Mucaaradka & Xukuumadda.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) waxa uu sheegay in dhankooda kalsooni siiyeen ergada waan-waanta u istaagtay sidaasna ay ku joojiyeen dibadbaxa ka dhanka ah Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Cirro ayaa Rejo xumo ka muujiyay in natiijo wanaagsan laga helo Muuse Biixi isaga oo sabab ka dhigay in wadahadalkii ugu dambeeyay ay la yeesheen lagu kala tagay iyada oo aanay jirin wax is afgarad ah oo dhexmaray.

Billaabashada Wadahadalka labada dhinac waxa uu ka hor mariyay in marka hore Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Kalsooni siiso Ergada waan-waanta ku howlan sida ay u siiyeen oo kale sida uu hadalka u dhigay Cabdiraxmaan Cirro.

 “Anagu Axsaab ahaan waxaa Madaxweynaha noogu dambeysay 24kii May, ina koorane wuu fadhiyay, habeenkaas meel la isaga soo noqdo may banneen, 9kii Bisha waxaa jiray Odoyaal isku xilqaamay oo haldoorka, Ganacsatada & salaadiinta kamid ah” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Hoggaamiyaha Xisbiga ayaa hadalkiisa ku daray “Way noo yimaadeen oo waxa ay naga codsadeen in aan hakino mudaharaadka oo ma warwareegin kalsooni ayaan siinay, waxa aan leenahay horta odoyaasha kalsoonida siiya markaas buu wadahalka iska billaabmi doonaa”.

Axsaabta Mucaaradka Somaliland ee kala ah Waddani & UCID ayaa Madaxweyne Muuse ku cadaadinayaa in ay qabato Doorasho dhacda 13ka November 2022, Xukuumadda ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in ay doorashadu qabato balse aan laga maarmin wadahadal dhexmara dhinacyada ay quseyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM