Biixi oo lagu eedeeyay "xagal-daacinta" af-jarida colaada Laascaanood

Image
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in uu kala qeybinayo shacabka maamulkiisa.

HARGEYSA, Somaliland - Xildhibaano dhawr ah oo laga soo doortay Bariga Hargeysa, Galbeedka Burco iyo Ceerigaabo, ayaa Madaxweyne Biixi ku eedeeyay inuu wiiqayo midnimadda shacabka Somaliland.

Eedaynta Xildhibaanada ayaa salka ku haysa kadib markii dhawaan koox odayaal dhaqameedyo ah ay ku dhawaaqeen guddi isla markaana laga dhinac-sameeyay guddi kale.

Muuse Biixi Cabdi oo wajahaya mucaaradid xooggan kahor tartanka doorashadda madaxtooyadda Somaliland ayay sheegeen inuu ka dambeeyo dhismaha guddigan cusub.

Sharci-dejiye Siciid Sookeeye ayaa si gaar ah waxa uu u caddeeyay in uusan shaqeyn doonin "shirqoolka la doonayo in lagu kala jabiyo dadweynaha aan matalaadda ka haysano".

Dhismaha guddidan cusub ayaa ka dambaysay kadib markii odayaasha kalkii hore sameeyay guddiga ay diideen in ay qeyb ka noqdaan salaadiin kale kuwaasoo Somaliland ay dooneysay in ay u dirto Laascaanood.

Wax-garadkan ayaa sheegay in guddiga cusub uusan u adeegeyn dadaalada lagu soo af-jaray colaadda ka taagan xarunta gobolka Sool. Guddidii hore waxaa iyagana ka soo horjeeda madaxwayne Biixi.

Xildhibaanadu waxa ay intaa ku dareen "in madaxwayne Biixi si qaldan loogala taliyey colaadda Laascaanood". Dadka Somaliland ayay soo jeediyeen in ay u midoobaan soo afjarida colaadda.

In ka badan laba boqol oo qof ayaa ku naf-waayay colaadda Laascaanood, sidda ay sheegeen bahda caafimaadka, iyaga oo intaas raaciyey in ay ku barakaceen dad ku dhow 200,000 oo u badan dad rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM