Biixi oo mar kale marin-habaabin ka sameeyay colaada Laascaanood

Image
Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu khudbadan kusoo qaadey munaasabadda 26-ka June.

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland ayaa xalay waxa uu magaalada Hargeysa kaga qeybgalay munaasabad lagu xusay 26-ka June. Hadal-jeedintiisa waxa uu horeyn ku falanqeeyay taariikhda maalintan.

"Runtu waxa weeye Habeenkii la isku biirayey dalka sharciga ku dhisnaa (De jure) ee lagu biiray inaguu ahaa, waayo inagaa sharci haysannay ee iyagu sharci may haysanin, reer Somaliland-na 63 sanno kadib waxa inala gudboon inaynu sii laban laabno inaynu sharciyaddaas iyo waddadaas cad ee aynu haysanno adduunka ku qancino, sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba qodobkaasna fahanno oo ku dagaal galno, xilkaasina waxa uu saaran yahay inta ummadda xilka u haysa ee la dhegaysto," ayuu yiri.

Biixi ayaa sidoo kale waxa uu dul-istaagay nabadda Somaliland waxaana uu dadweynaha waydiistey in ay ku caawiyaan laamaha ammaanka sidii loo adkeyn lahaa nabad-gelyadda guud ahaan.

"Isku heli mayno inaynu qaran noqonno iyo inaynu nabadda la dagaallano, iskuna heli mayno inaynu ictiraaf helno iyo inaynu kala dambaynta diidno," ayuu hoosta ka xariiqay.

"Waa inaynu nabadda meel uga soo wada jeesanaa, anigu horaan u sheegay qarankuna waa isku raacsan yahay oo ma jiro qof reer Somaliland ah oo aan nabad ugu baaqaynin Laascaanood, waxana aan rumaysanahay dadka shicibka ah reer Laascaanood maanta iyagaa nabadda inoogu jecel, waayo dhibaato dibadda lagaga soo waariday baa ku dhacday," ayuu caddeeyay.

Ugu dambeyn, dagaalka Laascaanood ayuu soo hadal-qaadey. Waxa uu sheegey in maamulkiisa uusan weerar ahayn. Hase ahaatee, xaqiiqaddu waa in ay duqeyn iyo duulaan ku yihiin xarunta gobolka Sool.

"Waxaa dagaal dhacayey Somaliland maalinna dagaal may qaadin, xabbadna kumay horrayne shalay aroortiina iyagaa ciidanka Somaliland madaafiic kusoo rideen madaafiic oo ay labadii ugu horraysay dileen, ciidanka Somaliland na xaq bay u leeyihiin in marka lasoo weeraro uu jawaab culus bixiyo, mana jiro qof qaadanaya aan ku dilee ha ila hadlin,” ayuu tibaaxay.

In ka badan 300 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaalkan ayna ku dhaawacmeen boqolaal kale. Qaramada Midoobay waxay qiyaastey in tirro ka badan 80-kun ruux ay guriyahooda kaga barakaceen colaadan awgeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM