Biixi oo muddeeyay furitaanka kalfadhiga baarlamaanka cusub

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa muddeeyay furitaanka kalfadhiga ugu horeeya ee baarlamaanka cusub ee maamulka Somaliland, sida ku xusan qoraal Axada maanta ah kasoo baxay xafiiskiisa.

Sida ku xusan bayaankan lagu faafiyey ciwaanka madaxtooyadda Somaliland ee mareegga Facebook, maalinta Talaadada ee taariikhdu ku beegan tahay 03/08/2021 09:00 Subaxnimo ayuu furmi doonaa kal-fadhiga.

"[Madaxweynuhu wuxuu go'aamiyey] in fadhiga ugu horreeya ee golaha wakiillada cusub ee dhawaan la doortay uu qabsoomo maalinta Salaasada ee ku beegan 03/08/2021, saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo. Fadhigaasina waxa uu ka qabsoomi doonaa Xarunta Golaha Wakiillada ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland," ayaa lagu yiri qoraalka.

Shaacinta Biixi ee furitaanka kalfadhiga ayaa kusoo aadeysa maalin kadib markii xisbiyada mucaaradka ay ku eedeeyeen in uu "laaluushayo mudaneyaasha cusub si ay u doortaan musharaxa uu u wato shir-guddoonka".

Xisbiyada mucaaradka oo haysta aqlabiyada ugu badan ee golaha ayaa ku heshiiyey in ay wada dhistaan guddoonka, hase ahaatee, waxaa kala qeybiyey xisbiga talada haya ee KULMIYE taasoo dhalisay qaylo-dhaanta.

Faysal Cali Waraabe, hogaamiyaha xisbiga UCID oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa ku eedeeyay Biixi in uu doonayo "in uu tasho shaar kaligii u galaya kuna xukumo Somaliland nidaam isaga kaliya madax ka yahay".

"Caalamkii ayuu ku yidhi laba nin oo isku reer ah ayaa i haysta. Madaxweynuhu Wuxuu Far Ugu Yeedhay Xildhibaanno Ay Isku Deegaan Yihiin Oo Uu Hore u diiday In Uu Ka Sharraxo Xisbiga KULMIYE. Doorashadu Waxay Ku Qabsoobtay Dulqaad-ka Xisbiyada Mucaaradka. Wasaaradii Arrimihii Dibaddu Waa bilaa Wasiir," ayuu 29-kii July, 2021 ka dhawaajiyey.

Loolanka doorashooyinka guddoonka baarlamaanka Somaliland ayaa la filayaa in uu dhinac-u-dhaco maalmaha soo aadan. Balse, waxaan laga sii horudhici karin natiijada kasoo baxeysa xilli laga cabsi qabo jahwareer cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM