Biixi oo qof-qof ugu jawaabay dadkii ka hadlay Laascaanood

Image
Ku dhowaad 20 ruux ayaa la sheegay in ay ku naf-waayeen mudaaharaadyaddii ugu dambeeyay.

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland ayaa markii ugu horeysey ka hadlay xasaradda sii xoogaysanaysa ee ka taagan Lascaanood, isaga oo sidoo kale qof qof ugu jawaabay dhammaan dadkii ka hadlay qaddiyadan.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu qabaa in dadka lagu diley Laascaano laga soo bilaabo 2009 ay yihiin 40 qof, kuwaas oo uu sheegay in 32 qof dilkooda dad loo qabtay, labaatan iyo dhawrna xukuno kala duwan loogu ridey sida uu hadalka u dhigay.

Maamulkiisa gooni-isu-taagga ah ayuu caddeeyay in uu qaadayo mas'uuliyadda shacabkii ku dhintey isku-dhaca ciidamadda iyo banaanbaxyaasha ksoo horjeeday dilalka qorsheysan.

Hase ahaatee, Biixi ayaan kala caddeyn haddii ay ka bixin doonan magdhow iyo in kale. Ku dhowaad 20 ruux ayaa la sheegay in ay ku naf-waayeen mudaaharaadyaddii ugu dambeeyay.

Dadka dhintey ayaa qaarkood waxaa ay ku naf-waayeen rasaas nool-nool ah oo ay tuureen ciidamadda Somaliland waxaana ay isugu jiaan dhalinyaro, haween, iyo waayeel.

Jawaabaha

Biixi ayaa u jawaabay xildhibaanka baarlamaanka Kenya ka tirsan ee Faarax Macalin, isaga oo si adag ugu dhaleeceeyay "in si aanan habboonayn uga hadlay qaddiyadda".

Siyaasigan ayuu tibaaxay in uu soo booqday Somaliland gaar ahaan uu tagay Laascaanood, xilligaasna taageersanaa gooni isu taagga Somaliland, balse hadda ay la yaab tahay in uu ka hadlayo "arrimo qabiil".

Sidoo kale, odayo dhaqameed ku sugan magaalada Kismaayo oo kuwaas oo ku baaqay in madaxweynaha Kililka Mustafe Cagjar uu u gurmado reer Laascaano. Balse, Biixi wuxuu hadalkaas ku qeexay "dagaal hurin".

Hadaladii kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh, baarlamaanka federaalka oo guddi u saaray arrinka, iyo madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayuu ku tilmaamay "dulaan ka dhan ah Somaliland".

Dadka aadka ugu guur-galay hadal-jeedinta madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay isugu dhex jiryey gubaabo, beenin, is-difaac gardhigasho, baaq iyo marin-habaabin uu ku sameynayo qadiyadda Laascaanood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM