Biixi oo shir ku martiqaadey xisbiyada xili uu khilaaf ba'an jiro

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shir degdeg ah ku casuumay xisbiyadda mucaaradka xili aan wali la xalin khilaafka ba'an ee ka jira dhanka doorashooyinka.

Biixi, oo fahfaahin ka bixinayay ajendaha kulankaas uu soo jeediyey, ayaa tilmaamay in looga doodi doono xalka ismaandhaafyadda jira in ka badan lixdii sano ee lasoo dhaafay.

Wallow uu qiray in loo baahan yahay "xal lawada ogol-yahay", haddana Muuse ayaa axsaabta eedeeyay.

"Waxaan qabaa in xisbiyadda ay mas’uul ka yihiin caqabadaha iyo khilaafka jira ee u baahan in laga gudbo, waxana aamin sanahay inay doorasho dhaceyso, iyada oo aan cidna dhaqaalo weydiisan," ayuu yiri.

Dhanka kale, wali mucaaradka kama jawaabin martiqaadka Biixi iyo eedeynta culus ee loo jeediyey.

Hadalka Muuse ayaa kusoo aadaya xili ay soo baxayaan warar sheegaya in Beesha Caalamka u sheegtay maamulka Hargeysa "in aysan taageeri doonin doorashada inta wax laga qabanayo walaaca mucaaradka".

Walaaca mucaaradka ayaa ah in ay meesha ka baxdo muddo kordhin laba sano oo loo sameeyay Golaha Wakiiladda iyo Guddiga Doorashooyinka oo ay sheegeen in ay ku jiraan xubno "aan dhex-dhexaad ahayn".

Saaxiibadda caalamka ayaa mar sii horeysay ku waaniyey xukuumadda Biixi in doorashadda lagu galo "geedi u socod loo dhan yahay".

Xisbiyadda mucaaradka ayaa horey ugu goodiyey in ay taageereyaashooda ku boorin doonan in aysan bixin canshuurta hadii dhamaadka sanadkan aan la qaban doorashooyinka degaanka iyo baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM