Biixi oo todoba shuruud ku xiray wadahadalka dowlada Soomaaliya

Image
Somaliland ayaa 1991-dii sheegatay dowlad madax-banaan balse wali ma aysan helin aqoonsi caalami ah.

HARGEYSA, Somaliland - Wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa kaliya dib u bilaaban kara haddi la fulinayo todobadan qodob, sidda uu ku adkeystay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

Biixi oo Isniinta maanta ah la hadlay baarlamaanka maamulkiisa ayaa sheegay in mabda' ahaan ay diyaar u yihiin ka qeybgalka wadaxaajoodyadda hase ahaatee ay miiska la tagayaa shuruudo ay rabaan in la dhaqan-geliyo.

"Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaliya ee soo bilaabmay 2012 waxaynu ku galnay talo qaran oo aynu u dhammeyn. Mudadaa kow iyo tobanka sanno ahayd waxa la galay 9 wareeg oo wada-hadal ah," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Kii ugu danbeeyey ee ka qabsoomay Jabuuti 2019-kii waxa aynu fagaare caalami ah oo ay ka soo qayb galeen dalalka Maraykanka, Midowga Yurub, Itoobiya, Jabuuti, iyo urur gobaleedka IGAD aynu si cad u soo bandhigay qaddiyaddeena iyo xaqa aynu u leehanay inaynu Aayaaheenna ka tashanno (Right to Self-determination)".

"Diyaar baynu u nahay in aynu sii wadno wada-hadallada, balse si ay wada hadalladu u noqdaan qaar midho dhal ah waxay Somaliland ku adkeysanaysaa [afartan qodob]," ayuu hadalkiisa ku daray.

Qodobada ayaa kala ah;

1) In ay wada-hadalladu ku dhacaan Qaab Laba Dawladood, kuna soo dhammaadaan xal ah laba dawladood oo kala madax-banaan.

2) In la ixtiraamo, si dhakhso ahna loo dhaqan-geliyo dhammaan heshiisyada ay hore labada dhinac u gaadheen.

3) Waa inuu jiro Nidaam Dhex-dhexaadineed (International Mediation Mechanism) oo dammaanad qaadi kara in la fuliyo waxa lagu heshiiyo.

4) In ay jirto Xog-hayn Caalami ah oo daacad ah, kuna sifowda dhex-dhexaadnimo.

5) Waa in ay jiraan Mabaadii’ guud iyo hab-dhaqan lagu daadihiyo wada-hadallada.

6) Waa in ay wada-hadalladu yeeshaan Ajende-cad oo lagu hoggaamiyo shirarka oo si cad u qeexaya Arrimaha Masiiriga ah ee la isku hayo (Core Issues of the Dispute).

7) Waa in ay wada-hadalladu yeeshan wakhti cayiman oo lagu soo gabagabeeyo. Waxaynu diyaar u nahay in la sii wado wada-hadallada oo aynu si mug leh uga qayb-galno, una soo bandhigno qadiyaddeena iyo mowqifkeenna.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay tahay dowlad madax-banaan hase ahaatee waxa ku fashilantey in ay hesho aqoonsi caalami ah iyadda oo dunida u aragto maamul hoostaga dowladda federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM