Biixi oo u jawaabay Deni: "Hadii dagaal ka joogi waydo soo soco"

Image
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in maamulkiisa uu qaadayo mas'uuliyada dilalka shacabka Laascaanood.

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland ayaa dusha saaratay mas'uuliyada dilka shacabka banaanbaxyada Laascaanood. Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ciidamadooda ay uga dhaceen "si lama filaan ah".

Dowladda federaalka iyo Puntland ayuu ku eedeeyay in ay iclaamiyeen dagaal ka dhan ah maamulkiisa. Isaga u jawaabaya Deni iyo Karaash ayuu yiri "haddii dagaalka aad ka joogi waydaan , soo socda waxaad ka heshaan baa leedihiin".

"Deni wuxuu yiri 'xasuuqa ka dhacaya Laascaanood eegan mayno waanu ka dagaalamaynaa'. Waan ku leeyahay intii Boosaaso ku dhimatay ee ka dhacdey adiga iyo Ina Diyaano shan goor ayay ka badan tahay," ayuu raaciyey.

Madaxweynaha waqtigiisu gabaabsiga yahay ee Puntland oo adkeysan kari culeyska siyaasadadeed ee 24 saac la saarey ayaa shalay waxa uu shir-saxafadeed uga hadlay xaalada Laascaanood.

Deni oo warbaahinta kula hadlay Madaxtooyadda Garowe ayaa waxa uu yiri: "Dulqaadkii waa iga dhammaaday intaa wixii ka badan uma dul qaadan doono dumarka iyo carruurtayada hortayada lagu jiidayo".

Isaga oo hadalkiisa sii wata Deni oo si dadban ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland ayaa raaciyey: "Doorashadana waa la wadayaa, dagaalkana waa la wadayaa; labada halloo diyaar garoobo".

Maamulka Somaliland ayuu cod dheer ugu baaqay in ay joojiyaan "beegsiga" ay ku hayaan shacabka Sool oo uu hoosta ka xariiqay in ay ayaga u madax-banaan yihiin go'aaminta masiirkooda.

"Wixii dadka reer Somaliland ay uga caban jireen dowladdii hore ee milatariga [Soomaaliya] in maanta ay [ayaga] sameynayaan waa wax aan la aqbali karin," ayuu hoosta ka xariiqay.

Dhawaqa Deni ayaa ayaa kusoo hagaagay kadib shir albaabada u xiran yihiin oo uu la yeeshay ku xigeenkiisa Karaash. Labada mas'uul ayaan isku-aragti ka ahayn qadiyaddan.

In ka badan 40 qof oo u badan shacab ayaa ku nafwaayay shaqaaqooyinka xarunta gobolka Sool tan iyo todobaadkii hore. Beesha Caalamka ayaa waxay ku baaqdey in nabad lagu soo dabaalo Laascaanood wadahadalna la galo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM