Kenya oo martigelineysa madaxweynaha Somaliland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa u socdaalay magaala madaxda Kenya xilli ay jirto xiisad diblumaasiyadeed oo u dhaxeysa xukuumaddaha deriska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.

Sidda laga soo xigtay madaxtooyadda maamulka gooni u goosadka ah, madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa marti-qaad rasmi ah u fidiyey wafdiga uu horkacayo Biixi oo duulay Axadda maanta ah.

Maxamuud Warsame Jaamac, afhayeenka Biixi oo warfidiyeenka ugu waramay Hargeysa, ayaa yiri "Safarkani waxa uu daarran yahay sidii loo xoojin lahaa, loona dardargelin lahaa xidhiidhka Diblomaasiyasadeed iyo midka wada-shaqayneed ee inaga dhexeeya waddanka Kiiniya, muddada ay weftigu dalkaas ku sugan yihiinna waxa ay kulamo la qaadan doonaan dhiggiisa waddanka Kiiniya".

Biixi oo ay garoonka Nairobi kusoo dhaweeyeen mas'uuliyiin Kenyan ah waxaa socdaalka ku wehliya; Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga, Marwo Shugri xaaji ismaaciil Baandare, horumarinta caafimaadka, Cumar Cali Cabdilaahi iyo Horumarinta maalgashiga, Maxamed Axmed Cawad.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo xaqiijisay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu marti-gelin doono hogaamiyaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xustey in ay kawada hadli doonan "danaha ay wadaagaan labada dhinac".

Inta la og-yahay iyo marka laga reebo in uu sugaal [transit] kusii noqdey isagoo dibada u socda, socdaalkan wuxuu noqonayaa midkii ugu horeeyay oo Biixi ku tago Kenya tan iyo markii la doortay saddex sano kahor.

Hasa ahaatee, safarkan ayaa kusoo hagaagaya xilli xiisadda diblumaasiyadeed ee dowladda Farmaajo iyo Kenya ay gaartey meeshii ugu horeysay markii Soomaaliya u yeeratay safiirkeeda soona eriday danjiraha Kenya.

Dowladda Federaalka ayaa ku eedeysay Kenya in ay faragelin ku hayso arrimaha gudaha dalka iyo in ay ku cadaadineyso hogaanka Jubaland in ay "hagal-daaciyaan" heshiiska doorashooyinka. Balse Nairobi way beenisay.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa talaabada dowladda ku qeexay mid uu Farmaajo doonayo in uu ku galo ololaha doorashooyinka soo aadan, waxayna uga digeen in uu siyaasadda arrimaha dibadda u adeegsado dan shaqsi.

Iyaga oo ka jawaabaya eedeyn kaga timid xukuumadda dhexe, Midowga Murashaxiinta ayaa xusuusiyey Farmaajo in uu 2016 ku ololeeyay Itoobiyaan naceybnimo; sanadkan aysan ka aqbaleyn in uu Kenya isticaalo.

Maamulka Farmaajo ayaa haatan wuxuu xiriir dhow la leeyahay dowladda Itoobiya, isaga oo kala shaqeynaya mashaariic ay kamid yihiin wax loogu yeeray is-dhexgalka Geeska Afrika gaar ahaan ammaanka iyo dhaqaalaha.

Maamulka Somaliland oo laga reebay hindisahaas ayaa isku dayaya in uu ka faa'iideysto xifaalkan juquraafi-siyaasadeed ee taagan, iyadda oo xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ay aqoonsi u goobeyso qadiyada gooni isu taaga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM