Biixi oo xiisada Laascaanood la xiriiriyey "argagixiso caalami ah"

Image
Madaxweynaha Somaliland ayaa eedeyntan jeediyey xilli uusan soo bandhigin wax caddeymo ah.

HARGEYSA, Somaliland - Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa wuxuu shaaca ka dhigay in "dhibaatadda ka taagan magaaladda Laascaanood ay ka dambeyso argagixiso caalami ah". Hase ahaatee, masoo bandhigin caddeymo.

"Dhibaatada maanta ka jirta Laascaanood waxaa keenay argagaxisada Caalamiga ah, dhalinyarada iyo dadka maanta mudaharaadka wadaa uma wadaan xumaan iyo naceyb ay u qabaan Somaliland iyo dadka Somaliland oo dadkooda ah midna uma qabaan, waxaa maanta dhegahooda laga buuxiyey oo dhibaatada ugu weyn abuuray argagaxisada Caalamiga ah waxay si gaadmo ah ugu dishay muddo toban sanno ah 40-qof oo haldoorka Somaliland ah oo ahaa kuwii Dawladda u shaqaynayey iyo kuwa taageera inta badan argagaxisadii khidadaa dhigtay waxay ka lahayd qorshe dheer oo istiraatiiji ah si ay dalka iyo gobolkaba khal-khal u gelin lahayd, waxay abuurayeen naceyb ah waxaa disha dawladda," ayuu yiri.

Biixi oo ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa carabka waxa uu ku adkeeyay in maamulkiisa uu ku dedaali doono sidii naabd ugu soo dabaali lahaa Laascaanood wallow haatan aysan gacan ugu jirin.

"Dawladda Somaliland waxay ka kooban tahay Somaliland oo dhan cidna gaar uma laha, markaa waxaa la abaarayey oo Arxgagaxisadu u diyaar garoobaysay inay burburiso maamulka iyo dawladda ka dhisan dalka kolba intii ay gaari karto muddo ayey, qorshahaa shaar walba usoo gashatay, in badan baynu maqalnay kelmada Khawaarij la yidhaahdo waa Fidmadii Asxaabta soo dhexmartay ee ay isaga horyimaadeen Asxaabtii ugu waa weynayd maanta tii oo kale dad wada oo aan yarayn oo tabaabulshahooda leh ayaa abuuraya Fidmada ka socota Laascaanood ma waddo shicibka Somaliland dhammaantood shicibkooda kale ayey la mid yihiin waa dad wanaag doonaya wanaag iyo gobanimana ilaa awoowyaashood kusoo dhaqmi jiray," ayuu tibaaxay.

Mar uu soo hadal-qaadey shirka Laascaanood ee dadka degaanka, Biixi ayaa ku nuux-nuux-sadey in ay aqbalayaan natiijadda kasoo baxda wallow uu carabka ku dhuftey in aysan dooneyn in ay waayaan maamulka gobolka.

"Erayga ah Ciidanka Somaliland ha baxo waa erayga ay soo tuurayso Argagaxisadu ee ay ku doonayso inay meesha fidmo ka rido iyo buuq oo loo baneeyo, Ciidanku Argagaxisada iyo kuwa Somaliland duminaya ayuu ilaalinayaa kamana baxayo Sool ee wuu daafacayaa, waxaan kusoo gebagebaynayaa baaqaa nabad ah waa inaynu waxeena dhamaysano oo dhibaatada hore uga baxno ayaanu diyaar u nahay," ayuu ka shanqariyey Muuse Biixi Cabdi.

Labadii bilood ee lasoo dhaafay Laascaanood ayaa xudun u ahayd qulqulatooyin ka bilowday dilal qorsheysan kuwaasoo isu badalay kacdoon dadwayne iyadda oo uu hadda soconayo shir go'aankiisa aad looga dhur-sugayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM