Biixi: Xadka Puntland iyo Somaliland waa kii Talyaanigu jeexay

Image
Madaxweynaha Somaliland ayaa hadalkan ka sheegay aagga Tukaraq halkaasoo uu ku booqdey ciidanka maamulkiisa.

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland ayaa doonaysa in xuduudka kala dhaxeeya Puntland lagu saleeyo sohdintii uu jideeyay gumeystihii Talyaaniga, sidda uu shaaca ka dhigay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

"Puntland daris baa nahay xadkii Talyaaniga iyo kii ingiriska ha inoo dhaxeeyo," ayuu Biixi yiri kadib markii booqdey degaanka Tukaraq oo ah meel ay ku muransan yihiin labadan maamul ee hoostaga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dagaalo qaraar oo aaggan ku dhexmaray ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac. Kaliya ma ahan aaggan, guud ahaan gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland.

Booqashada Biixi ee Tukaraq ayaa timid kadib markii madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu sheegay in aysan aqbali doonin gooni-isu-taagga wax kasta oo dhiiragelinaya Somaliland.

Biixi oo hadalkaas ka jawaabay ayaa ku tilmaamay "caqli xumo" wuxuuna meesha ka saarey midnimo mwr kale dhexmarta koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya "balse xalku yahay laba dowladood".

"Somaliland waa nabad idinka iyo ciidamada kale ayaana nabad ka dhigay, ummadduna way idiinku mahadnaqaysaa, dhibataas qabtaan ayuu dadku dheefsanayaa, haddii daaro dhaadheer oo qurux badan la dhistay, haddii shirkado la sameeyey iyo haddii jaamacado la abuurayba ogaada cidda deyrka u ahi waa idinka, anna waan idiin ogsoonahay," ayuu u sheegay ciidamadda Tukaraq.

Somaliland ayaa 1991 waxay sheegatay in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale balse wuxuu wali aduunka u aqoonsan yahay maamul hoostaga dowladda federaalka ah ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM