Biixi: Xasan Sheekh waa nin naftiisa hafraya, ajnabi baa ilaaliya

Image
Madaxweynaha Somaliland ayaa weerar afka ah ku qaadey hogaamiyaha Soomaaliya.

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag u diiday go'aan ka soo baxay dawladda Soomaaliya oo amrayay in aan la adeegsan karin guud ahaan magaca Somaliland.

Horaantii todobaadkan, Awaamiirtan oo ay soo saartay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, ayaa ku wajahnaa xawaaladaha waaweyn ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya, sida Paysii, Dahabshiil, iyo Jubba Express.

Shirkadahan ayaa lagu amray inay joojiyaan isticmaalka magaca Somaliland marka la gaaro 1-da bisha September, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku doodeyso in tallaabadan ay lagama maarmaan u tahay ilaalinta midnimada dhuleed.

U hoggaansanaan la'aan go'aankan ayaa, sidda ku xusan bayaanka waxay keeni kartaa cawaaqib dhanka sharciga ah iyadda oo la cuksanayo sharciga Soomaaliya.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xataa aan sugi karin amniga guriga uu Muqdisho ka degan yahay ciidamo caalami ah la’aanteed, waxa uu soo saarayaa awaamiir uu kaga hortagayo in diyaaradaha Somaliland soo degaan, bangiyadana ay ku shaqeeyaan magacayaga,” ayuu yidhi Biixi.

Waxa uu raaciyay: "Isku dayga ay Soomaaliya ku doonayso inay ku wiiqdo madax-banaanida Somaliland waa mid aan waxba tarayn, awaamiirtan waxba kama beddeli doonaan xaqiiqada dhabta ah ee jirta".

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay ku qasabto diyaaraddaha Ethiopian Airlines iyo FlyDubai in Hargeysa ay u aqoonsadaan qayb kamid ah Soomaaliya iyaga oo meesha ka saarey magaca Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM