Boqol neef geel ah oo "badbaadiyey gacan-ku-dhiigle"

Image
Heshiis dhacay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee fulinta xukunka ayaa sababtey in tiirka laga soo celiyo ninkan.

HARGEYSA, Somaliland - Heshiis daqiiqadihii ugu dambeeyay lagu bixiyay 100 neef oo Geel ah oo magdhow ah ayaa Somaliland ku badbaadiyay nolosha "gacan ku dhiigle".

Ninkan oo magaciisa la qariyey sababo aan la sheegin ayaa ka mid ahaa shan maxbuus oo lagu waday in lagu toogto deegaanka Madheera oo waqooyi bari ka xiga magaalada Hargesia.

Daqiiqado ka hor inta aan la siinin amarkii kooxda fulisey toogashada, waxaa goobta soo gaaray odayaal ka soo kala jeeda qoyska uu ka dhashay gacan ku dhiiglaha iyo ninka la dilay, waxaana ay ka soo furteen tiir ka soo baxay.

Afarta kale, oo lagu helay dambiyo kala duwan oo dil ah, ayaa la toogtay, sidda ay sheegayaan warbixinada laga helaayo illo wareedyo maxali ah.

Faragelin daqiiqadihii ugu dambeeyay lagu sameeyo goobaha dilku ka dhacay maaha wax ku cusub Somaliland.

Wax u muuqda habka cadaalada ee soo jireenka ah, mag-dhowga nin dil ah waa 100 neef oo geel ah, laakiin inta badan lacagta ayaa la isticmaalaa, sababtoo ah tirada xoolaha qiimaha leh ayaa hoos u dhacday sannadihii u dambeeyay.

Nidaamkan waxa uu ka barbar shaqeeyaa geedi-socod maxkamadeed oo rasmi ah kaas oo dhammaystiraya ama mararka qaarkood beddelaya gebi ahaanba.

Si kastaba ha ahaatee waa la dhaleeceeyay sababtoo ah waxay ka dhigan tahay dadka ka soo jeeda qoysaska hodanka ah inay iibsan karaan ciqaabta halka saboolkuna aysan awoodin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM