Britain oo walaac ka muujisay go'aanka Silaanyo, Barlamanka oo codeeyey

Image

HARGEYSA, Somaliland- Dowlada Britain oo qoraal kasoo saartey go'aanka madaxwynaha Somaliland ku kala qaadayo doorashooyinka madaxtooyada iyo Barlamanka ayey ku tilaamntey mid nasiib daro ah.

" Beesha caalamka waxay walaac ka muujineysa go'aanka Madaxweynaha Somaliland dib ugu dhigey doorashooyinka Barlamanka Somaliland kuwasoo dhici lahaa March 2017 iyadoo dib u dhacaan aan loo baahneyn islamrkaana hoos u dhigaya kalsoonida beesha caalamka iyo shacabka ku qabaan nidaamka dimoqoraadiyada ee Somaliland." ayaa lagu sheegey qoraalkaan kasoo baxay dowlada Britain. 

Warqadaan kasoo baxdey wadanka Britain ayaa lagu sheegey in dib u dhacaan hoos u dhigayo xiriirka Somaliland la leedahay beesha caalamka. 

Dib u dhigista doorashada ayaa lagu sheegey in madaxweynaha Somaliland u cuskan wax sharciyad ah iyadoo talaabadaan ka  hortimid go'aankii gudoomiyaha Maxkamada oo ahaa in doorashada xafiiska madaxtooyada iyo Barlamanka Isku mar la qabto March 2017. 

Dowlada Britain ayaa qoraalkaan ku sheegtey in dadweynaha Somaliland kumanaan iyagoo ah isugu soo baxeen  diwaan galinta doorashada Barlamanka iyo madaxtooyada isku mar dhacdo. 

Beesha caalamka ayaa sheegtey in kharash lagu bixiyey in doorashadaan la qabto isku waqti iyadoo ku hanjabtey in hadii go'aankaan meel maro dib ula noqon doonaan dhaqaalaha ay ku bixiyaan barnaamijkaan.

Dhinaca kale Barlamanka Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansaxiyey soo jeedinta madaxweyne Silaanyo kuwasoo dib u dhigey doorashada aqalka wakiilada. 

Kulankaan oo uu shir gudominayey gudoomiye kuxgeenka kowaad ee golaha Baashe Maxamed Faarax ayaa cod gacan taag ah la galiyey in la kala qaado doorashada madaxtooyada iyo Barlamanka Somaliland kuwasoo dhici lahaa isku mar. 

Kal fadhigaan oo ay fadhiyeen 59 xildhibaan ayaa 52 kamid ah waxay u codeeyeen in la kala qaado labada doorasho halka 5 xildhibaan diideen, 2 ka aamusen Gudoomiye ku xigeenkana uusan codeyn. 

Doorashadaan ayaa waxa kasoo qayb galin gudoomiyaha Barlamanka Somaliland islamarkana ah gudoomiyaha  xisbiga Wadani. 

Wararka ayaa sheegaya in gudoomiyaha xisbiga Wadani ogaa in xildhibanada qaadanayaan go'aanka kororsiga. 

Dib u dhigista doorashada iyo faragalinta waqtiga doorashada ayaa imaaneysa xilli la filayo in Bisha October 25 lagu qabto kulan loo qabanayo beelaha dhulbahante iyo Isaaq kaasoo ka dhici doona magalaada Burco.

GAROWEONLINE

Related Articles

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM