Cabdi Jamaal Cusmaan Maxamed oo lagu xiray Hargaysa

Image
Siyaasigan oo kasoo jeeda Puntland horeyna u soo qabtey xilal dhowr ah ayaa ahaa socdaal.

HARGEYSA, Somaliland - Cabdi Jamaal Cusmaan Maxamed ayaa lagu xiray caasimada Somaliland ee Hargeysa xili uu ku jiray safar dalka dibadiida ah, sida uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Xariga Cabdi Jamaal ayaan wali la ogayn sababta ka dambeysa ayado ciidanka baarista dambiyada iyo kuwa booliska intaba aysan kaso saarin wax war ah.

Cabdi Jamaal waxaa uu ku safrayay diyaarada Ethiopian Airline ayado uu ku jiro duulimaadyo ay si toos ay shirkada dhawaan ka bilowday garoomada caalamiga ah ee Puntland sida Garoonka Caalamiga ah ee Gen. Maxamed Abshir, iyo kan Boosaaso.

Maxamed ayaa hore u ahaa xildhibaan ka tirsan dowladda Puntland, xilal kala duwana kaso qabtay xukumadihii udambeeyay ee dowladda Puntland sida Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

Puntland iyo Somaliland oo ah laba maamul deris ah ayaa waxaa ka dhaxeysa colaad soo jireen ah taasoo salka ku haysa gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo maamulo ugu kala magacaaban yihiin.

Somaliand ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay tahay maamul ka madax-banaan Soomaaliya inteeda kale hase ahaatee waxay dunida u aqoonsan tahay maamul looga taliyo Muqdisho.

Dhowr jeer ayay horey u dhacdey in Somaliland ay xabsi u taxaabto dad kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya iyo qaar degaanadaas u dhashay oo tagay Muqdisho arrintaasoo hay'adduhu si adag u dhaleeceeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM