Cirro oo aqbalay guusha Muuse Biixi

Image

HARGEYSA, Somaliland - Musharaxa Xisbiga Waddani ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku dhawaaqay inuu aqbalay natiijada doorashadii dhacday 13-ka bishan, oo maanta lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay Muuse Biixi.

Kadib Shir Jaraa'id oo uu ku qabtay Hotel-ka Ambassador ee magaalada Hargeysa, Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay inuu u tanaasulay danta iyo midnimada Somaliland, sidaasina ku aqbalay natiijada.

"Anigoo u turaya danta guud ee shacabka, islamarkaana diidan la dhiig la daadiyo, ayaan aqbalay natiijada doorashada," ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro oo ku hadlayay Shirka Jaraa'id ee maanta.

Cirro wuxuu kaloo sheegay in danta umadda ay uga muhiimsan tahay mida guusha doorashada, sidaasi darteedna uu ogolaaday in laga guuleystay, isagoo dhanka kale u aqoonsaday Muuse inuu yahay Madaxweynaha Somaliland.

Hadalka Cabdiraxmaan Cirro ayaa noqday mid lama filaan ah maadaama shalay qaadacay natiijada doorashada, isagoo ku eedeeyay gudiga doorashooyinka musuq-maasuq iyo ku shubasho baahsan.

Sidoo kale Cirro maanta ma uusan joogin goobta looga dhawaaqay natiijada doorashada, taasi oo dad badan walaac ma muujiyeen, iyadoo ay jirtay cabsi ah inay dhacaan rabashada kale dooraashada kadib.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM