Cirro oo dib u eegaya heshiiskii Badda Muuse Biixi la galay Abiy Axmed

Image

Hargeysa — Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal, ayaa sheegay in ilaa hadda aanu arag qodobadii ku qornaa heshiiskii is-afgarad ee madaxweynihii hore Muuse Biixi Cabdi uu la galay Ethiopia.

Wasiirka ayaa sheegay inay eegayaan haddii uu jiro mad madaw ku jiray heshiiskaasi, isagoo tilmaamay in aanay xukuumaddan cusub ee madaxweyne Cirro, Ictiraafka ku bedelayn inay bixiso dhulka iyo khayraadka Somaliland.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay kulan guddi hoosaadka arrimaha dibadda ee golaha wakiilada ay ku weydiiyay su'aalo la xiriira qodobbadii hesiiska is af-garadka ugu waynaa.

Dowladda Itoobiya ayaa hadda wadahadallo kula jirta dowladda Soomaaliya kadib heshiiskii Ankara, waxaana ay raadinaysaa marin badeed nabad ah.

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM