Caqabad soo wajahdey cadaaladda Cabdimaalik Coldoon

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wariye, samafalle C/maalik Muuse Coldoon ayaa markii 2aad lasoo taagey Maxkamad ku taalla Hargeysa, isagoo wajahaya eedeymo inuu war qaldan ka faafiyay Jaamacadda haweenka ee Barwaaqo, oo qeyb ka ah Abaarso School.

Coldoon ayaa xabsiga la dhigay bishii August, waxaana lagu xiray magaaladda Burco, oo degaankiisa ah wax yar kadib markii qoraal uu Facebook ku qoray, kaasoo uu ku sheegay in Jaamacadda Barawaaqo lagu faafiyo Diinta Kirishtaanka.

Waxa uu Coldoon soo bandhigay sawiro iyo qoraallo laso geliyay baraha bulshadda Kaniisad ku taalla Nigeria, oo lagu sheegay in Gabar Baadariyad ah ugu direen Somaliland si diinta Kirishtaanka ugu faafiyo.

Ms. Joy Isa oo ah Gabadha Nigeria ka timid ayaa loo magacaabey Madaxweynaha Jaamacadda Barwaaqo, oo u gaar ah Gabdhaha, waxaana aas-aasay nin Mareykanka u dhashay, oo aan haysan Diin Islaam, taasoo shakiga sii xoojisay.

Somaliland ayaa sheegtay in Coldoon uu faafiyay war been ah, waxaana la dhigay Xabsiga oo mudo 4 bilood ah ku jira, iyadoo aan la xukumin, ama eedeymo lagu soo oogin. Xaaladda Wariyaha ayaa la sheegay inay sii adkaanayso, isagoo ku xanuusanaya jeelka.

Dhowr jeer oo hore ayay Somaliland xirtay Coldoon, oo arrimo kala duwan lagu eedeeyay, oo ay kamid tahay inuu kasoo horjeedo gooni-u-goosadka maamulka iyo inuu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya kadib markii Farmaajo la kulmay markii la doortay 2017.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM