Dadweynaha Somaliland oo u dareeray doorashooyin

Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Dadweynaha Somaliland ayaa Isniinta maanta ah waxay u dareereen codbixinta doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka oo markii ugu horeysay halmar qabsoomaya.

Illaa 900 oo murashax ayaa ku tartami doona Golaha Wakiillada. Tirada diiwaangashan ee doorashadan waa 1100,000 oo Qof. Waxaa laga codeyn doonaa 112 goobood guud ahaan Somaliland, halka 3,000 oo sanaadiiqda codbixinta ah la qaybin doono.

Golaha wakiilada Somaliland ayaa laga rabaa  inay ku kala guuleystaan 82 xubnood, halka golaha deegaanka la filayo inay noqdaan 212 xubnood kuwaas oo ay ku tartamayaan 636 musharax oo ka kala tirsan xisbiyada KULMIYE, WADDANI iyo UCID.

Hoos u dhac ayaa ku yimid tirada dadka ku sugnaa caasimada Somaliland 24-kii saac ee la soo dhaafay, maadaama dad badan u safreen deegaano kale si ay u codeeyaan.

Taliska Booliiska Somaliland ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegey in 3:00am aroortii laga bilaabo la xirey dhamaan xuduudaha maamulkaas islamarkaana la joojiyey Isu socodka nooc kasta oo Gadiidka kamida.

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo shalay u waramay warbaahinta ayaa ugu baaqay dadweynaha in ay si nabad ah codkooda ku dhiibtaan isla markaana ay ka qeybqaataan horumarinta "dimuqraadiyadeena".

Ra'iisul wasaare ku xigeenka xilgaarsiinta Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed oo xalay muuqaal soo duubay, ayaa aaminsan in dowlada federaala ay tahay in ay cashar ka barato "guusha doorashada Somaliland".

"Waxaan hambalyo u dirayaa Shacabka Somaliland ee berri 31 May 2021, u dareeraya doorashada baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka. Waa tusaale dimoqraadiyad iyo ilbaxnimo oo bogaadin iyo ku dayasho mudan. Reer Koonfur waa in ay cashar ka bartaan. Waxaan u rajeynayaa doorasho nabdoon iyo isu dulqaadasho," ayuu ku yiri Mahdi muuqaalka.

Somaliland ayaa 1991-dii waxay iclaamisay in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale balse tan iyo xilligaas ma aysan helin aqoonsi iyaddoo dunida wali u aragto maamul hoostaga dowladda federaalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM