Dib u dhac ku yimid furitaanka kalfdhiga baarlamaanka Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Guddoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ay dib-u-dhigeen furitaanka kalfadhiga 72aad oo qorshuhu ahaa in uu furmo maalinta berri oo ah Axad, 31-da May, 2020.

Qoraal lagu wargeliyey mudaneyaasha baajinta furitaanka kalfadhiga ayaa lagu caddeeyay in talaabadan ay la xiriirto safmarka Coronavirus iyo howlaha ay xukuumadda kula dagaalameyso cudurkaas faafa.

Balse war-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online isla markaana uu ka xaqiijiyey illo kala duwan ayaa waxaanan lagu caddeynin waqtiga xigga la furi doono kalfadhiga.

Kalfadhiga 72aad ee Golaha Guurtida waxaa ku jira ajandayaal muhiim ah sidda doodo ku saabsan doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo baarlamaanka oo baaqdey lixdii sano ee lasoo dhaafay.

Xisbiyadda mucaaradka oo horey ugu adkeystay qabashada sanadkan ee coddeynta ayaanan wali ka falcelin dib-u-dhigista soo korortay. Balse, waxay horey u taageereen qorshe kasta oo looga hortagayo Covid-19.

Somaliland ayaa laga xaqiijiyey 217 kiisas oo ah Coronavirus, 17 dhimasho ah iyo 21 bukaan oo ka bogsatay; wadarta dadka uu maamulka gooni-u-goosadka ah uu ka baarey xanuunka dilaaga ah waxay tahay 975.

Beesha Caalamka oo mar sii horeysay u hakisay dhaqaalaha ay ku bixiso in degaanada Somaliland ay ka hirgasho dimuqraadiyad ayaa shuruud ka dhigay in ay dib u bilaabaan qabashadda doorashooyinka sanadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM