Diyaarad rakaab siday oo "loo diidey" in ay ka degto madaarka Hargeysa

Image

HARGEYSA, Somaliland – Diyaaradda Flydubai ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu waramay in Khamiista maanta ah laga celiyey hawada maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa arrintaas. Balse waxaa lala xiriiriyey cabsida laga qabo fayruska dunida gilgilay ee Corona.

Imaaraadka Carabta ayaanan kamid ahayn dalalka ay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kusoo rogtay xayiraada socdaalka.

Balse dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mar sii horeysay ugu dhawaaqdey in ay mamnuucdey duulimaadyadda caalamiga ah muddo laba asbuuc ah, si loo xakameeyo faafitaanka xanuunkaas.

Mas'uuliyiinta maamulka hawada Somaliland ayaanan wali wax war ah kasoo saarin talaabada lagu celiyey duulimaadka Flydubia oo ay la socdeen rakaab kusoo fool lahaa magaaladda Hargeysa.

Wararka ayaa tibaaxaya in diyaarada ay sidoo kale qaadi lahayd rakaab kale oo ay geyn lahayd Isu taga Imaaraadka Carabta.

Diyaarada loo diidey in ay ka cago-dhigato garoonka diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa ayaa la sheegay in ay rakaabkii wadday dib ugu celisay magaalada Dubai.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay xaqiijisay hal kiis oo la xiriira Coronavirus kaasoo laga helay Muqdisho. Muwaadin ka yimid China ayuuna ku dhacay. Rakaabka diyaaradii keentay ayaa la baadigoobayaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM