​Doorashada Somaliland oo dib loo dhigay

Image

HARGAYSA, Somaliland- Axsaabta siyaasadda Somaliland, ayaa isku raacay in muddo lix bilood ah dib loo dhigo doorashada Madaxtinimo ee maamulkaas kadib waraaq si wadajir ay usoo saareen Xisbiyada kala ah; KULMIYE, UCID iyo WADDANI.

Dib u dhigista doorashada, ayaa loo aaneeyay abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada Maamulkaas, waxayna sheegeen in loo baahanyahay sidii dadka tabaalaysan loo samatabixin lahaa.

Xisbiyada, ayaa isku raacay inaysan suurogal noqon karin qabashada doorashada iyadoo maamulkaasi ka jiraan abaaro halis galiyay nolosha dadka iyo duunyada intaba.

War-qad si wadajir ah u saxiixeen Guddoomiyaash saddexdaasi xisbi, ayay ku sheegeen inay iska hor imaanayaan waqtiga qabashada doorashada iyo abaarta jirta, waxaana taasi kaliftay in Xisbul Xaakimka KULMIYE codsado dib u dhigis lagu sameeyo waqtiga doorashada.

Labada Xisbi Siyaasdeed ee Mucaaradka ayaa go'aamiyay in sannad barkiis dib loo dhigo waqtiga ay dhacayso doorashada Madaxtinimo, taasoo  qorshuhu ahaa inay qabsoonto 28 March, 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM