Dowladda Itoobiya iyo Somaliland oo kala saxiixday heshiis muran dhaliyay

Image
Muuse Biixi ayaa sheegay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsatay dal.

Addis Ababa (GO) - Itoobiya iyo Somaliland ayaa kala saxiixday heshiis u gogol xaaraya in Itoobiya ay dekad ku yeelato badda cas, sida uu ku dhawaaqay xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

“Heshiiska is-afgaradka ayaa dhabaha u xaari doona xaqiijinta hamiga Itoobiya ee ah in ay hesho marin badeed iy deked”. ayaa lagu yiri warmurtiyeedka ay soo saareen Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Waxaa intaasi la raaciyay: “Heshiiska wuxuu abuuraya bog cusub oo iskaashi ah, wuxuuna muhiimad weyn u leeyahay is-dhexgalka gobolka Geeska Afrika. Waxa kale oo ay Itoobiya u sahlayaa in kor loo qaado doorkeeda ku aaddan ilaalinta nabadda iyo nabadgelyada gobolka.”

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sidoo kale ku soo qoray boggiisa rasmiga ah ee barta Facebook: “Maxaan kaloo dhihi karaa oo aan aheeyn:Alxamdullillah. ilaah baa mahaddaas leh”.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xaqiijiyay in Itoobiya ay u aqoonsatay Somaliland dal madaxbanaan, isaga oo sheegay in uu heshiiskan u saxiixay si uu u fuliyo danta shacabka Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM