Dufaan dhimasho sababtay oo ku dhufatay Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Ugu yaraan hal qof ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhintay, 15 kale uu dhaawacyo kala duwan kasoo gaarey kadib markii Roobab dabaylo wata ay ka da'een degmada Salaxley oo katirsan Somaliland.

Duufaanka ku dhufatay Salaxley oo qiyaasyii 80-KM dhanka Barri uga beegan Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, ayaa waxaa sidoo kale ay baabi'isay in ka badan 20 Guryo.

Dadka deegaanka oo u waramay Warsidaha Garowe Online, waxay u xaqiijiyeen in meelaha ay cagta marisay Duufaanta uu ku jiro Gurigii gudoomiyaha degmada iyo Isbitaalkii guud ee Magaalada.

Wararka ayaa waxay intaas ay ku darayaan in Roobabka dabaylaha watay oo xalay ku dhuftay degmada Salaxley uu sababay in Dadku uu waaga ugu baryo iyagoo banaanka jooga.

Qeylo dhaan ba'an ayaa waxay kasoo yeerysaa dadka deegaanka, waxayna cod-sanayaa in gurmad dhinac walba lala soo gaaro, maadaama ay haysto xaalad bani'aadanimo, tii ugu darneed.

Dhawaan ayey ahayd markii Duufaanka Sagar ee ku dhuftay deegaano iyo degmooyin ka tirsan maamulka Somaliland ay ku dishay dad iyo doonyo badan, iyadoo baabi'say Boqolaal guryo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM