Falcelino kala duwan oo ka dhashay cafis uu Bayle ku tagay Hargeysa

Image
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya ayaa hanti badan oo ma guurta ah ku leh xarunta Somaliland.

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyay wasiirkii hore ee maaliyadda ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, kaas oo ku laabtay magaalada Hargaysa.

Bayle oo kasoo jeeda gobolka Awdal ayaa magaaladda Hargeysa ku leh hanti ma guurto ah oo uu ka mid yahay mid ka mid ah hoteelada waaweyn iyo hanti kale oo muuqata.

Wareysiyo uu horey u bixiyay ayuu ku sheegay in uu isaga iskiis u shaqaystay maadaamaa uu shaqaynayay muddo aad uga dheer intii uu wasiirka maaliyadda ahaa.

Inkasta oo go’aanka uu Bayle ku tagay Hargeysa loogu magacdaray ‘cafis madaxweyne’, si shaac-baxsan looma shaacin in go'aankan uu u furan yahay mas'uul kasta oo xil kasoo qabtey dowladda federaalka.

Ku noqoshadda Bayle ee Hargeysa ayaa dhalisay hadal-heyn badan iyo falceino kala gedisan oo ka kala yimid qeybaha bulshadda kuwaasoo qaar soo dhaweeyay kuwa kalana ay dureen wasiirka.

Talaabadda Bayle ayaa sidoo kale waxay kusoo hagaagtey xilli colaad ay bilooyinkii lasoo dhaafay ka ooganeyd magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool halkaasoo tobanaan ruux ay ku naf-waayeen.

Dagaalkan ayaa la aaminsan yahay in uu dhaawac weyn gaarsiiyey maamulka Hargeysa gaar ahaan qadiyadooda gooni-isu-taagga oo horeyba aan taageero uga haysan dowladaha daneeya Soomaaliya iyo si guud aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ciidamo boolis ah u tababaraysa maamulka Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, lama bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska.

  • Somaliland

    09-05-2024

  • 05:20PM

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM