Faysal Waraabe: James Swan waa in laga mamnuuco Somaliland

Image
Hogaamiyaha xisbiga UCID ayaa ergayga UN-ka ku eedeeyay "in uu dagaal cad ku qaadey Somaliland".

HARGEYSA, Somaliland - Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa wuxuu ku baaqay in degaanada maamulkaas laga mamnuuco ergayga UN-ka ee Soomaaliya, James Swan.

Waraabe oo Sabtida maanta ah Hargeysa kula hadlay telefishinka Horn Cable ayaa dalabkiisa wuxuu ku saleeyay in Swan uu taageeray doorashada wakiilada Somaliland ku metelaya Aqalka Sare ee dowlada federaalka.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Waraabe oo "warqad daciif ah" ku tilmaamay diidmada xukuumada Biixi ka muujisay doorashadda xubnahaas ayaa talaabada Swan ku sifeeyay "dagaal cadaan ah kana dhan ah Somaliland".

"Iyadda oo sidaas tahay ayuu wakiilkii UN-ka, [James] Swan uu meesha fadhiyey. Taas waxay la macno tahay in uu dagaal caddaan ah kusoo qaadey Somaliland. Wuxuu aqoonsadey dad aan sharci ahayn," ayuu yiri.

Sida laga soo xigtey Waraabe, haddii Somaliland aysan si cad u diidin doorashada xubnahaas ayna talaabo ka qaadin diblumaasiga Ameerikaanka ah waxaa imaan doonta in Muqdisho looga sameeyo "madaxwane been ah".

"Waxaan ogaaneynaa haddii aanan diidin doorashadaas xaaraanta ah ee Muqdisho in madaxweyne been-been ah inta naloo sameeyo uu nin lamid ah Swan uu aqoonsado," ayuu hadalkiisa intaas kusii daro.

Biixi ayuu mar kale cod dheer wuxuu ku waydiistay in uu soo saaro xeer ogolaanaya in ayaga oo maqane ah la maxkamadeeyo cid kasta oo "metelaad been abuur ah ku sheegata magaca Somaliland".

"Waxaan mar kale ugu baaqaynaa madaxwaynaha [Muuse Biixi Cabdi] in uu soo saaro xeer lagu maxkamadeeyo dadkaas ayaga oo aan joogin. Haddii aanan sameyn ma jirto wax aan diidi karno," ayuu tibaaxay.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale balse aduunka wuxuu u aqoonsan yahay maamul hoostaga dowlada federaalka ee fadhigeedu yahay magaala madaxda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM