Faysal Cali Waraabe oo eedeyn u jeediyay ciidamadda Puntland

Image
Xukuumadda Biixi ayuu ku dhaliilay "in ay gacan-ka-hadal" ku wajahdey colaadda Laascaanood.

HARGEYSA, Somaliland - Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland, ayaa sheegay in loo baahan yahay xabbad joojin iyo wada hadal lagu dhammeeyo colaadda Laascaanood.

Waraabe ayaa xusay in colaadaasi ay horseedi doonto burbur hor leh haddii aan la helin nabad, isagoo qiray in ciidamada Somaliland aysan ka bixi doonin dhulka goboladda Sool, Sanaag iyo Ceyn.

"Hadii aan nabada la helin waxay keenaysaa burbur, cidna laga yeeli maayo inay ka go’aan dhulka Somaliland, ka bixi mayno Tukaraq,” ayuu ku adkeystay Waraabe.

Tukaraq ayaa ah degaan yar oo ka tirsan bariga gobolka Sool. Magaaladu waxa ay ku taal wadada isku xirta Laascaanood iyo Garoowe. Somaliland ayaa tan iyo 2018 gacanta ku heysay halkaas.

Faysal ayaa ku nuux-nuuxsaday in odayaasha dhaqanka SSC ay qaataan xabad joojinta, ayna sameeyaan kormeer xabad joojin ah si loo ogaado xadgudubyada xabad joojinta.

Waraabe, ayaa dhaliilay tallaabadii uu Madaxweynaha Somaliland ku qaaday gacan ka hadal bishii Feberaayo ee sannadkan, isagoo sheegay in ciidamada Puntland ay dagaalka Laascaanood uga faa’iidaysteen inay duulaan ku soo qaadaan Somaliland "ayna taas keentay in xisbiyada mucaaradka ay garab taagan yihiin ciidamada Somaliland".

Jaamac Maxamed Mursal oo ka mid ah dhaqaatiirta isbitaalka guud ee Laascaanood, ayaa xusay madaafiicda laga maqlayay duleedka magaalada Laascaanood tan iyo Talaadadii todobaadkii hore.

Laascaanood ayaa xarun muhiim ah u noqotey ololaha lagu taageerayo midnimada Soomaaliya laguna diidan yahay gooni-isu-taagga tan iyo markii ay ciidamada Somaliland qabsadeen 2007-dii Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM