Ganacsade Boore oo ka muuqdey heshiiskii Dp World iyo Somaliland

Image

HARGEYSA- Ganacsadaha caanka ah ee reer Jabuuti Cabdiraxmaan Boore ayaa markii ugu horaysay ka soo muuqday sawirada goobtii lagu saxiixayey heshiiskii Dekeda Berbera kula wareegtey maamulkeeda DP World kaasi oo ka dhacay magaalada Dubai,

Boore oo dhawaan is barteen safiirka Somaliland ee wadanka Imaaraatka Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa ganacsade Boore waxaa uu ka caawiney  sidii uu ugu qancin lahaa shirkada DP World in ay maal gashato dekeda Berbera isagoo muddo u kala dab qaadayey Hargeysa iyo Dubai.

Ganacsade Boore ayaa isagu xiriir fiican la leh shirkadan oo hore maal gelin ugu samaysay Dekeda Djibouti waxana uu ahaa maskaxdii ka dambaysay maalgalinta shirkadaas ku sameysay dalkaas.

Ganacsadahaan oo ahaa nin si weyn looga yaqaano wadanka Djibouti ayaa dalkiisa kaga maqan  khilaaf culus oo u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Wadanka Jabuuti ayaa dacwad kaga soo oogey dalka Ingiriiska Cabdiraxman Boore kaasi oo madaxweyne Geele ku sheeganayey in uu malaayiin lacag ah ka dhunsadey dalkiisa. Boore ayaa dacwadaan kaga guuleystey wadanka Jabuuti iyadoo sidoo kale lagu xakumay iney baxshaan kharashkii kaga baxay  ganacsadahaan intii lagu guda jirey maxkamada.

Ka muqashada Cabdiraxman Boore ee heshiiskaan ayaa dhaawac u gaysanaysa xiriirka dowlada Jabuuti iyo Somaliland u dhexeeya kaasoo xogaha laga helayo aan fiicnaneyn wayadii dambe.

Boore oo heahiiskaan tageeraya ayaa bartiisa Twitter ku soo qorey isagoo dadka Somaliland ka dalbanaya iney tageeraan meelna iska dhigaan khilaafka siyaasdeed ee xisbiyada. 

GAROWEONLINE, HARGEYSA

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM