​Garabyada UCID oo shirar ku qabsanaya Hargaysa

Image

HARGAYSA, Somaliland- Garabyada is haya xisbiga mucaaradka UCID, ayaa maanta lagu wadaa inay labo shir ku kala qabsadaan daafaha magaalada Hargaysa, kaasoo ay sheegeen inay uga hadlayaa aayaha xisbigaas.

Garabka Jamaal Cali Xuseen, ayaa ku shiray Hotel Masoor, halka dhinaca Faysal Cali Waraabana, ku kulmi doonaan hotel Adams ee magaalad Hargaysa.

Lama oga natiijada kasoo bixi doonta, balse arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafkii ka dhex oognaa labada garab.

Waxay sidoo kale jabiyeen go'aankii maxkamadda ee ahaa inay qabtaan shir-weyne looga hadlayo hishiis ay labada mas'uul ee is haya kala saxiixdeen sannadkii 2012.

Waxgaradka iyo siyaasiyiinta xisbigaas ee ku sugan Awdal ayaa madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu ka qayb qaato sidii xisbigaas loo bad-baadin lahaa.

Khilaafkan, ayaa yimid iyadoo waqti kooban ka harsantahay doorashada maamulkaas oo xisbiyada kale loollan ugu jiraan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen hogaanka Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM