​Golaha dhexe xisbiga Waddani oo Murashaxiin doortay

Image

HARGAYSA, Somaliland- Shirweyne golaha dhexe xisbiga Waddani ku yeeshay magaalada Hargaysa caasumadda Somaliland, waxay ku doorteen murashaxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenka xisbigaas uga qayb gali doona doorashada dhici doonta 2017.

Hoolka doorashada, waxaa joogay 629 xubnood uu cod u qaadayay murashaxiinta u taagan labada jago ee madaxweynaha iyo ku-xigeenka.

Guddoomiyaha Waddani  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa helay codadka dhammaan ergada shirka joogtay, waxaana ogolaatay inuu doorashada matalo Ergo gaaraysa 629.

Ku-xigeenkiisa, waxaa loo doortay Maxamed Cali Cabdi oo helay codad gaaraya 581, wuxuuna loollanka kaga adkaaday murashaxa kale ee lagu magacaabo Axmed Muumin Saciid oo helay 44 cod, waxaana ka aamusay 4 Ergo.

Mar ay ka hadleen dareenkooda, waxay sheegeen inay ku faraxsanyihiin kalsoonida ay ka heleen Ergada iyagoo uga mahadceliyay sida wanaaga iyo sharafta leh  ee ay codkooda ugu hibeeyeen.

Madasha codaynta, waxaa ka muuqday siyaasiyiin dhawaan kusoo biiray xisbiga Waddani oo isaga soo baxay Kulmiye.

Labadan mas'uul ayaa Waddani u matali doonta doorashada la filayo inay qabsoonto horraanta sannadka soo socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM