​Guddiyo kasocda Somaliland iyo Khaatumo oo shir ugu soo xirmay Caynaba

Image

HARGAYSA, Somaliland- Kulan lagu diyaarinayay qodobada looga hadlayo shir weyne dhex mari doona dhinacyada wada hadalku u socdo ee Somaliland iyo Khaatumo ayaa maanta lagusoo gaba gabeeyay degmada Caynaba ee gobolka Saraar ee Somaliland.

Kulankan oo bilowday 09 bishan ayaa dhexmarayay guddiyo farsamo oo kasocday labada dhinac, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo dhammaystiri lahaa ajandayaasha labada dhinac horgayn doonaan shir weyne Somaliland iyo Khaatumo u furmi doona 16 bishan, kaasoo lagusii amba qaadi doono hirgalinta iyo dhammaystirka heshiisyadii hore.

Wadahadalkan waxaa dibadda ka joogay warbaahinta, waxaana markii uu soo dhammaday saxaafadda la hadlay Guddoomiyaasha labada Guddi kuwaasoo si wadajir ah u sheegay in la isku afgrtay waxyaabihii laga hadlayay.

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Wadahadallada  ee Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo sidoo kale ah Waasiir Dowlaha wasaaradda Waxbarashada maamulkaas, ayaa sheegay in labada dhinac isku afgarteen qodobadii laga dooyay islamarkaana uu kusoo gaba gaboobay guul iyo horusocod.

Xaaji Aadan ayaa sidoo kale baaq nabadeed u diray dhinacyo ku dagaallamay deegaanada Biyo Gaduud iyo Ceel Afweyn, isagoo ka codsaday inay nabadda ka shaqeeyaan.

Dhinaca kale, Xasan Muuse Cawl oo ah Guddoomiyaha Guddiga Farsamada wadahadalkaas ee dhanka Khaatumo, ayaa isaguna fariin u diray shacabka labada dhinac, wuxuuna ku baaqay inay soo ajiibaan wadahalkan.

Cawl ayaa ka digay in laga horyimaado kulamada wada xaajood ee u socda Khaatumo iyo Somaliland, wuxuu sheegay inay ku jirto danta dadka iyo dalka.

Kulankan ayaa imaanaya xilli labada dhinac isu diyaarinayaan shir weyne ay uga hadlayaan sidii loo hirgalin lahaa heshiisyadii labada dhinac horay u gaareen iyo waxyaabaha wali dhiman.

Balse goor sii horaysay waxaa shirkan naqdiyay Odoyaasha dhaqanka ee gobollada Sool iyo Sanaag kuwaasoo sheegay inuusan matalin Cali Khaliif.

GAROWEONLINE

Related Articles

Biixi: Dhaqangelinta heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland waa mid aan la joojin karin

Laakin inta badan xubnaha beesha caalamka waxay u taagan yihiin midnimada Soomaaliya oo dhan taasoo wargelinaysa abaabulka kheyraadka iyo dirista.

  • Somaliland

    20-05-2024

  • 05:11PM

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM